Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

XOG+DHAGEYSO: Shariif Xasan oo sir culus fashiliyay & daruufta ay ku shaqeeyaan ciidamada DF..

Mogdisho-{Rajonews} Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ka hadlay qaabka ay ku shaqeeyaan Ciidanka Dowladda iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.

 

Waxa uu sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay Nabad, Nabadiina iyada oo aan dhaqaale la helin in aysan imaan karin, Dhaqaalihiina iyada oo aan Amni la helin in uusan imaan karin.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne Shariif Xasan Caalamka in ay ka rajeynayaan in la hormariyo Ciidanka, Mushaar la siiyo, Niyadana loo dhiso, lana siiyo Hub ay ku dagaalamaan.

 

Koonfur Galbeed ayaa caalamka ka dalbday in Soomaaliya Cunaqabteynta dhanka Hubka ah laga qaado, si ay ula dagaalamaan Shabaab, guud ahaan dalkana ay uga saaraan.

 

Shariif Xasan ayaa sheegay Ciidanka Dowladda in ay u baahan yihiin Hub culus oo Qoriga AK-47 uusan waxba tareyn, hadii Hub culus ay helaana ka adkaan karaan Shabaab.

 

Al-shabaab ayaa hada ku sugan qeybo badan oo ka tirsan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, iyaga oo mararka qaar weerara Fariisimaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement