Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

XOG RASMI AH :- imaan Nuur Iikar oo la sheegay in Gobolka Banaadir ku matalayo shirka London

Mogdisho-{Rajonews} Waxaa saacadihii dambe soo baxday warar sheegaya in Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar uu shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ku matalayo Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa la sheegay in Gobolka Banaadir ka mid yahay maamulada lagu casuumay, hase ahaatee Guddoomiye Taabid ayaa sababo dhowr ah darteed uga qeyb galeyn, maadaama isaga yahay Hoggaanka Gobolka.
Ilo ku dhow dhow Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Iimaan Nuur Iikar, markii hore lagu qoray inuu shirka kala qeyb galo Guddoomiyaha, ka hor inta aan xilka laga qaadin, balse haatan oo aanu wax xil ah heyn ayuu kursiga Guddoomiye Taabid ku matalayaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye Taabid uusan shirka uga qeyb galeyn sababo jira dartood oo ay uga weyn tahay culeyska ka heysta gudaha gobolka, gaar ahaan shirar looga arrinsanayo arrinta maqaamka Muqdisho iyo arrinta dhismaha Banaadir State oo todobaadyadii la soo dhaafay aad u soo xoogeysatay.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay jiraan arrimo kale oo la xiriira caqabado dhinaca socdaalka oo Guddoomiye Taabid ka heysto UK, maadaama horay ugu noolaa, sanado ka horna iska dhiibay.
Shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo furmi doona maalinta berri oo ah khamiis 11 May, ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah qodobka arrimaha siyaasada oo ay ku hoos-jirto maqaamka Muqdisho oo ay inay matalaad ku yeelato siyaasada dalka, maadaama aanay xilligan Gobolka wax xubin ah ku laheyn Aqalka sare, matalaadeeda siyaasada ay maqan tahay.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement