Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

XOG: Maxaa ka soo baxay kulan Nairobi ku dhexmaray Xildhibaanada Horay-USOCOD & Guddoomiye Jawaari?

Mogdisho-{Rajonews} Wararka naga soo gaaraya magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay kulamo xasaasi ah lahaayeen xildhibaanadii sameystay Madasha Horu-socod iyo Afhayeenka barlamaanka Prof Jawaari.

Prof Jawaari ayaa safar lama filaan ah ku tagay Nairobi kadib markii ay soo baxeen xildhibaanadan mucaaradsan madaxweyne Farmaajo iyo xukumadda Ra’isul wasaare Kheyre.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulamadan usocda Jawaari iyo Xildhibaanada looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa khilaaf soo kala dhexgala barlamaanka iyo dowladda.

Afhayeenka Barlamaanka ayaa usheegay xildhibaanadii uu la kulmay inuu ka socdo dhanka madaxweynaha isla markaana uu doonayo in xal laga gaaro khilaafkan cusub.

Gudoomiyaha iyo xildhibaanada, waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu diyaar uyahay inuu la fadhiisto xildhibaanada si xal loo gaaro” sidaas waxaa sheegay xubin katirsan dadka ka agdhow xildhibaanadii sameystay Kutladda Horu-socod.

Gudoomiyaha Barlamaanka Jawaari ayaa laga soo xigtay inuu Xildhibaanada ku yiri “Waxaan idinka codsanayaa inaad joojisaan talaabadan, oo aad la kulantaan madaxweynaha si xal loo gaaro”

Xildhibaanada ayaa usheegay gudoomiyaha Barlamaanka ineysan wadin wax dhibaato ah laakiin qorshahooda uu yahay in si dhab ah loola xisaabtamo dowladda.

Sidoo kale, Gudoomiye Jawaari ayaa inta uu Nairobi ku sugan yahay la kulmi doona madaxda dalka Kenya, waxaana uu kala hadli doonaa hormarinta barlamaanka Soomaaliya.

Tan iyo markii xildhibaano gaaraya ilaa boqol ay sameysteen madal ay uga soo horjeedaan dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sii badanayay cadaadiska saaran madaxtooyadda iyadoo haatan Jawaari loo adeegsanayo in la xaliyo arinta ay xildhibaanadu wadaan.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement