Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

XOG:- Kaalin intee la’eg ayuu Guddoomiye Jawaari ku leeyahay xildhibaanada ololaha ka wada Nairobi?

Mogdisho-{Rajonews} Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka socda dhaqdhaqaaq Siyaasadeed oo looga soo horjeedo dowlada uu hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo.

Dhaqdhaqaaqani ayaa waxaa wada Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole ee DFS, kuwaa oo cadad ahaan lagu khiyaasay 105 Xildhibaan.

Abaabulka dhaqdhaqaaqani ayaa waxaa kaalin mug leh ka cayaaraya Guddoomiyayaal ka kala tirsan labada Gole.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kamid ah mas’uuliyiinta daaha gadaashii ka hagaaya dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee lagu carqaladeynaayo Siyaasada ay ku shaqeyneyso DFS.

Xildhibaanada ugu badan ee qeybta ka ah dhaqdhaqaaqani ayaa kasoo kala jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle, Daarood iyo Hawiye, waxa ayna xiriir dhow la leeyihiin Guddoomiyaha Baarlmaanka.

 

Mid kamid ah Xildhibaanada ka mdax­banaan dhaqdhaqaaqani ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanada ugu badan ay garab u yihiin Jawaari, waxa uuna cadeeyay inay ku jiraan Xildhibaanadii uu dhawaan Hogaaminaayay Guddoomiyaha ee kasoo horjeeday Golaha Wasiirada.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa hada ku guda jira fasaxoodii ugu horeeyay tan iyo markii Baarlamaanka Federaalka laga soo doortay Gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Xildhibaanadaani ayaa waxaa ku jira kuwo looga baxay balamo ay la galeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Qaranka ayaan wali ka hadal dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi kaa oo lid ku ah Dowlada Farmaajo.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement