Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

XOG: Ergada soo xulay Xildhibaanada 2-Aqal ee BF oo bilaabay iney ka cararaan Muqdisho & Shabaab oo Qorshe Halis u maleegay..

Mogdisho-{Rajonews} Ergadii soo xushay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa bilaabay in ay ka cararan Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay kordheen weerarada loogu gaysanayo.

Dagaal-yahanp lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab, ayaa bishii February bilaabay in ay ugaarsadan Ergadii Xildhibaanada ku soo kala dooratay Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho, Jowhar, Cadaado iyo Garoowe.

Ergada lagu dilay Caasimadda Muqdisho, ayaa ka kala tirsaneyd Ergada Xildhibaanada Labada Aqal ku soo kala xushay Magaalooyinka Cadaado iyo Baydhabo.

Toddobadkii ugu dambeeyay oo keliya, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu toogtay afar ka mid ah Ergada oo middi ay haweeney ahayd, iyadoona illaa iyo hadda aanay jirin cid loo soo qab qabtay dilalka Ergada.

Tani, ayaa waxay baqdin ku keentay Ergada ku nool Magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah Ergada ka soo kala jeeda Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayaa la soo sheegaya in ay gaareen Magaalada Nairobi.

Ergo kale, ayaa la soo sheegaya in siyaabooyin kala duwan u kala gaareen Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, oo amnigoodu uu ka wanaagsan yahay midka Magaalada Muqdisho.

Xubno kale oo ka tirsan Ergadii Puntland, ayaa la soo sheegaya in ay ka carartay Magaalada Gaalkacyo, iyagoona nabadgelyo u doontay Xarunta Gobolka Nugaal ee Garoowe.

27-kii bishii hore ee April, ayay ahayd markii Waqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ay ka arrimiso lagu dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe (Maxamuud Farey), oo ka tirsanaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Mudug. Nabadoon Maxamuud Farey, ayaa xubin ka ahaa Ergadii Puntland ee Xildhibaanada soo xushay.

Arrinta labaad ee cabsida ku dhalisay Ergada, ayaa waxaa lagu macneeyay iyadoo ay maalmo uun ka harsan yihiin bisha Soonqaad, oo Shabaabka looga bartay in ay weerarada kordhiyan.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa Dowladda Somaliya ugu baaqay in si dhow baaritaano ugu samayso kuwo beegsiga ku haya Ergada.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa waxaa Muqdisho ku soo badanayay dilalka Ergada.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement