Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

XOG CUSUB: Hanti-dhorihii Dr Nuur Faarax oo Dacwad ka dhan ah Farmaajo & Kheyre ugudbiyay Maxkamadda Sare (Maxaa ku qoran)

Mogdisho-{Rajonews} Hanti dhowrihii xilka qaadista lagu sameeyay Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa lasoo sheegayaa inuu dacwad ka dhan ah madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ugudbiyay maxkamada sare.

Warqad dacwad ah oo uu qoray Dr Nuur Faarax ayaa loo gacan geliyay gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka iyadoo  arimo xasaasi ah ku haysta madaxda dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in Dr Nuur Faarax Jimcaale uu gudbiyay in la jabsaday xafiiskii uu ku shaqeynayay isla markaana lala baxay dokumentiyo uyaalay halkaas.

Madaxda dowladda ayuu u eedeeyay iney jabiyeen nidaamkii qaranimada Soomaaliya ayna ku kaceen fal lamid ah kuwii ay burcadda sameyn jireen sida uu hadalka udhigay

Ilaalada Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya, Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa toogtay Wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya Marxuum Cabaas Siraaji, taasi oo keentay in Golaha Wasiirada xilka ka qaadan Nuur Faarax.

Si kastaba, Dr Nuur Faarax oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in arintu ay ka weyn tahay dilkaas ee si shaqsiyan ah uu weerar ugu yahay Ra’isul Wasaare Kheyre

Arimaha ugu waa weyn ee la isku haysto ayaa lagu sheegay iney tahay in Hanti-dhowraha uu diiday in heshiisyo la siiyo shirkado waa weyn.

Shirkadahaas ayaa waxaa kamid ah kuwa  Shidaal, waana sababaha ugu weyn ee xilka qaadista loogu sameeyay sida laga soo xigtay wararka la helayo

Si kastaba, Khilaafka ka dhashay arinta dilka wasiirka iyo xilka qaadista Dr Nuur Faarax ayaa wali laga dareemayaa xafiisyada hay’adaha dowladda

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement