Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Warbixin: Afrika uma baahna Cayr ee waxay u baahan tahay…?

Mogdisho-{Rajonews} Marka aad maqasho ama aragto AFRICA,  waxaa kugu soo dhacaya ama aad soo xasuusanaysaa, faqri, saboolnimo, is nacayb, jaahilnimo, abaar, gaajo, dagaal iyo xabad, burcad-badeed, argagixiso, tahriib, kufsi, dhac iyo afduub dumarka gaar ku ah.

Intaasiba waa wax caadi ka ah Africa, waxay ka mid yihiin waxayaalaha u dhaca maalinlaha ama asbuuclaha. Maxaa yeelay ma jiro qorshe ku aadan oo lagu xallinayo, lagu yaraynayo, amaba looga hortagayo. Majirto cid wax iska weydiisa amaba isku taxalujisa sidii wax un looga qaban lahaa waxyaalaha aan kor ku soo xusay.

Ayadoo ay jiraan dhamaaan dhibaatooyinkaas  oo ay ka siman yihiin dhamaan shacbi weynaha ku nool qaarada Africa. Waxa  jira dad badan oo africaan ah oo aad wax u bartay, aqoon fiicanna u leh inay xaliyaan kana gun gaaraan dhibaatooyinka iyo masiibada ku habsatay qaarada guud ahaan.

Hasayeeshee Africa waa meel uu  tuuggu yahay sheikh caalim ah, dilaagu ( gacan ku dhiigle) yahay geesi, kaabbe qabiilku yahay xildhibaan sharciga dajiya, isbaaraystuhu yahay xogahayaha dawladda hoose ee degaanka uu joogo canshuurtana ka aruuriyo dadka iyo gaadiidka degaankaas,  qabqabluhu uu yahay wasiir , jaahilkuna yaahay caalim aan looga daba dhufan.

Waxaas oo dhibaata ah waxay u baahan yihiin in laga gaaro xal waara , loo dajiyo siyaasad, iyo qorshe ku haboon.

Marka aan leeyahay xal baa loo baahanyahay waa in aysan soo noqon oo mardanbe aan lala kulmin falalka noocaas ah ee laga cirib tiro qaaradda iyo goob walba oo ay ka jiraan. Taasna waxaa lagu heli karaa in la helo oo la qeexo dhibaatada jirta, laga wada hadlo oo laysla garto dhibaatadu waxay tahay, waxay ka bilaabatay, siday ku bilaabatay iyo sida lagu ciribtiri karo ee ugu macquulsan. Intaas hadday dhacdo waxaa la heli karaa xal waara oo lagu najaxo.

Haddaba si taas loo helo waxaa lagama maarmaan ah in la helo cidii ka fikiri lahayd hawshaan, fududayn lahayd, abla-ablayn lahayd oo isla meel dhigi lahayd sidii loo soo afjaro dhibaatooyinkaan, loogana gaari lahaa xal kama danbays ah.

Yaa  laga sugayaa xalinta dhibaatada qaarada ku habsatay?

Sida : dhaqaalaha, abaaraha, argagixisada, iyo saboolnimada . kuwani waa qaar kamid ah qodobada ugu muhiimsan eel agama maar-maanka u ah deganaanshaha iyo xasiloonida guud ahaan waddamada Africa.

Haddii aan u soo noqdo suasha kore, jawaabtu waxay aniga ilatahay:

Cidda xalinaysa loona baahanyahay inay ka gun gaaraan go’aanka kama danbaysta ahna leh inay yihiin madaxda ugu saraysa waddamada iyagoo kaashanaya hay’adaha ku shuqul leh arimahaan, ayagoo la tashanaya shacabka dhibaatadu ku dhacday iyagoo la imaanaya dadaal muuqda oo la taabaan karo si xal waara looga gaaro arimahaas. Waa habka ugu macquulsan ee lagu xalin karo dhibaatooyinkaan oo idil haddii loo maro.

ma layimaadeen madaxdu qorshe ku haboon arimahaas?

Maya maya !!!!!!!.

Waayo qaaradaha kale ee dunida waxaa soo maray waqtiyo ka xun sida ay Africa manta tahay, waxaa soo maray dagaalo sokeeye , abaaro, gaajo iyo dhaqaale xumo xadka dhaaftay.

Lakiin waxaa laga gaaray xal iyo qorshe looga gudbo masiibooyinkaas, iyadoo loo  maray habkii saxda ahaa ee ku haboonaa iyo wadamada, madaxda iyo shacabka oo ka midaysnaa  xal ka gaarida dhibaatooyinka ku habsaday.

Waxaa dhibaatooyinkaas ku bur-buray waddamo, qoomiyado iyo dad bulshada baal dahab ah kaga jiray, lakiin waxaa laysla gartay inaysan soo noq-noqon oo laga takhaluso guud ahaan, loogana gudbo nolol wax ku ool ah oo lagu ilaawo dhibaatadaas.

Waxaa loo aasaasay ururo bulsho oo katala bixiya bulshadana ku wacyi galiya inay ka feejignaadaan soo noqoshada dhibaatooyinkaas. Waana lagu guulaystay.

Haddaba madax Africa maxaa u diiday inay cashar ka bartaan qaaradaha kalee caalamka?.

Jawaabtu waa inaysan u diyaarsanayn inay dhamaato xalna laga gaaro dhibaatooyinkaan soo noq-noqday iyo kuwa aan dhamaane joogtada ahba.

Saboobtoo ah Africa waxay madaxdu ugu fariistaan kursiga inay ka helaan qodobadaan.

1: magac inay ku helaan xilka.

            2:inay dhaqaale  ka aruursadaan.

            3: in qabiilkiisa ama saxiibadiisa u ku xoojiyo hantida dadweynaha.

            4:in shacabka masaakiinta ah ee Africaanka ah ee ay xukumaan ay tusaan awoodooda  shakhsi ahaan  ama koox ahaan.

            5: inuu caalamka lacag cayr ah kaga aruursado muddada uu joogo uuna ku qaato wejiyada dad masaakiin ah oon si fiican loo gaarsiinayn waxa lagu soo qaado wejigooda ay diifta iyo dhibaatadu ka muuqato.

Dulucda qoraalka.

Africa waa qaarad hodon ah dhul ahaan bad ahaan iyo baaxad ahaanba, lakiin ay ka maqanyihiin maskixihii iyo qorshayaashii looga faa’iidaysan lahaa ama lagula soo bixi lahaa khayraaadka ku jira dhulka badda iyo biyaha kale ama harooyinka ama wabiyada.

Africa maahan qaarad ku noolaan karta cayr ,uga timaada caalamka, Africa maaha qaarad u dulqaadan karta khatarta joogtada ah ee lagula kaco  dumarka ciyaalka iyo ciroolaha aan waxba gaysan, ee war moogayaasha ah.

Africa waa qaarad leh dhalinyaro waxbaratay  laakiin bilaa qorshe ah dunida kalana u hanqaltaagaya ee aan arag duruufaha iyo dhibka haysta dadkooda iyo dalalkooda.

Maxaa yeelay marka aad joogto wadankaaga waxaad u noolaanlahayd six or ah, waxaad ku noolaan lahayd fikirkaaga iyo caqligaaga saliimka ah si aad u samayso hormor nafeed iyo qoysba.

Lakiin Africa marka aad joogto wadankaaga waxaad ku noolaan cabsi, argagax iyo goorma ayaad ka baxdaa wadankaan ood u shaqo tagtaa wadan hebel maxaa yeelay halkaan ma helysid cadaalad aad ku noolaankarto ku shaqaysan karto amaba wax ku baran karto, sababtoo ah madaxda waddanka oo idil waxay shaqa gaynayaan  qoysaskooda iyo asxaabtooda, ileen waxaa la rabaa beri marka uu ka tago halkaan in wiilkii shalay lagu keenay qabiilka uu ku geeyo qabiil wiil uu dhalay ninkii shalay meesha keenay asaga.

Xigmad  soomaaliyeed baa tiraahda ( xoolahaagu ama xeer ha kaaga maqnaadaan ama xearada ha kuu joogaan). Africa taasaa ka jirta.

Qofka muwaadinka ah oo wadankiisa ku shaqaysan waayay madaxdiisuna cayrta qaadanayso dantu waxay bidday inuu la hayaamo  caqligiisa, fikradiisa iyo xirfadiisa oo isaga oon shaqaysan uu cayr ku qaato wadan kale oon kiisa ahayn.

Taasina waxay dhalisay inuu qofka africaanka ah noqdo mid wax ku tiirsan oo cayr suga een fakarin dhaq dhaqaaqin ilaa uu ama ka dhinto ama ka waasho isku buuqo.

Sida kaliya ee looga gudbi karaana waa hogaan fiican ee maaha cayr fiican oo la qaato.

Waxaan caalamka u sheegaynaa inaysan Africa u baahnayn cayr ee ay u baahan tahay hogaan fiican.

W/Q: DR. Maxamed Xasan Gacayte.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement