Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

WAR DEG DEG:- Soomaali laga soo masaafuriyay USA oo Kenya la soo gaarsiiyay

Mogdisho-{Rajonews} 67 Soomaali ah iyo 5 Kenyan ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka ayaa saakay la soo gaarsiiyay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Saraakiisha socdaalka ee dalka Kenya oo arrintan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Diyaarad u gaar ah dadkan lagu keenay, hadana ay nabad qabaan.

“Waxaa loo soo tarxiilay arrimo la xiriira socdaalka oo ay ka mid tahay sharci la’aan, waa nalagu soo wargeliyay qorshaha keenidooda, kuwa Soomaalida ah waxaa loo gudbinaya Muqdisho , kuwa Kenyan-ka ahna halkan” sidaasi waxaa u sheegay wargeyska Standardmedia, sarkaal codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Soomaalida iyo Afrikaanka kale ee laga soo tarxiilayo Mareykanka waxay socotay tan iyo markii dalkaasi laga bilaabay in la qab qabto dadka aan sharciga heysan.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa horey Mareykanka uga mamnuucay Qaxootiga sharci la’aanta ah iyo dadka ka safraya lix dal oo Muslimiin ah, kuwaasi oo kala ah Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Iiraaan, Yaman iyo Suuriya.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement