Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

WAR DEG DEG:- Masuul Goordhow lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Mogdisho-{Rajonews} Wararka naga soo gaarayo degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in xalay lagu dilay degmadaas kaaliyihii guddoomiyaha maxkamada sare oo lagu magcaabi jiray Allaha unaxariistee Mursal Aw Cumar.

Kooxo bastooladu ku hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen Marxuunka oo ku sugnaa Waabari, islamarkaana ay goobta ka baxsadeen dilka kadib.

Marxuum Mursal Aw Cumar ayaa ka mid ahaa xubnaha aadka ugu dhawaa xaga shaqada guddoomiyaha maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.

Ilo ku dhow Maxkamada sare ayaa dilka marxuumka xaqaiijyey, waxaana ay sheegeen inuu socdo baarirtaan la xariira dilka kaaliyihii guddomiyaha maxkamda sare.

Indhawaanahan Muqdisho waxaa ka dhacayey falal lidi ku ah amaanka, sida dilalka oqrsheysan iyo qaraxyada oo ugu danbeeyey qaraxii shalay ka dhacay wadada Maka-almukarama,gaar ahaan ka soo horjeedka Shaneemo Soomaamliya, kaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement