Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

WAR DEG DEG AH+DHAGEYSO:- Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

Mogdisho-{Rajonews} Qarax khasaare geystay ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxan ayaa ahaa mid Ismiidaamin ah kaasi oo si weyn looga maqlay Agagaarka goobta uu ka dhacay, waxaana uu si gaar ah uga dhacay xerada Koongo ee Magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa sheegay Qaraxan in uu ku dhintay Ninka ismiidaamiyaha oo keliya, kaasi oo xirnaa Jaakad waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray.

Sidoo kale Qaraxan waxaa ku dhaawacantay Labo Qof, kuwaasi oo loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo, si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland oo daqiiqado kadib gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

HOOS KA DHAGEYSO

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement