Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Shirka arrimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya London

Mogdisho-{Rajonews} Shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada London, iyadoo ay ka qeyb galayaan illaa 50 dowladood iyo ururo caalami ah.

Waxaa shirka shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa illaa afar ajande oo ay ku hoos-jiraan qodobo kala duwan, waxaa ka mid ah Ammaanka, Siyaasada, Dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada iyo kuwa kale.

Madaxda shirka ka qeyb galayesa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, dowladda mareukanka, Jaamacadda Carabta ergo ka socota Midowga Yurub, Midowga Afrika, Ururka Islaamka iyo wakiilo ka socda dowladaha taageera Soomaaliya.

Shirkan oo ah kii 3aad oo ay marti gelineyso dowladda Ingiriiska ayaa waxaa sanadkan ka qeyb galaya Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana sida qorshuhu yahay in Madaxda Soomaalida shirka la tagaan hal ajande.

Waxaa isha lagu heyn doonaa go’aamada ka soo baxa shirka, oo u baahan in la fuliyo, waxaana la wada og yahay in shirarkii hore loo qabtay aanay jirin wax ka dhaqan galay qodobadii horay loo soo saaray

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement