Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Shacabka Muqdisho oo Bilaabay In RW Kheyre ugudbiyaan Cabasho uu masuul ka yahay (SABAB)

Mogdisho-{Rajonews} Shacabka Magaaladda Muqdisho ayaa dhibaato xoogan ku qaba Ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Inkastoo Ra’isul Wasaaraha uu dadaal xoogan ugu jiro in xafiiskiisu ushaqeeyo si xowli ah ayaa hadana waxaa bar bar socda inuu dhibaato ku hayo shacabka.

Qaar kamid ah dadka magaaladda Muqdisho ayaa bilaabay iney idaacadaha Muqdisho ka sheegaan in Ra’isul wasaaraha oo ay badan tahay meelaha uu booqanayo maalin walba ay ciidamadiisa dhib ku hayaan dadka.

“Maalin walba  ra’isul wasaaraha meel ayuu booqdaa, laakiin dhibaatada ayaa ah in marka uu jidka marayo ay ciidamadiisa cadaadis xoogan saraan gaadiidka iyo ganacsiga dadweynaha”sidaas waxaa yir mid kamid ah dadka ku xamaasha Bajaajta Muqdisho.

Sidoo kale qaar kamid ah ganacsatada magaaladda Muqdisho ayaa sheegay ineysan shaqeyn xiliyada uu Ra’isul wasaaraha wadooyinkaas marayo.

Ciidamada Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa joojiyana gaadiidka maraya wadada uu markaas ku safrayo halka sidoo kalana la xiro ganacsiga ku yaal meelaha ku dhow xarumaha uu booqanayo.

Inkastoo arintaas looga gol leeyahay in la sugo amaanka Ra’isul wasaaraha, hadana shacabka ayaa muujiyay in cadaadiskaas uu yahay mid xumeynaya raadsashada qowtul yoomkooda.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement