Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Sawirro: Ethiopia oo aqoonsatay Somaliland & Dhismo cusub oo laga siiyay Addis Ababa

Mogdisho-{Rajonews} Dowladda Ethiopia ayaa maamulka Somaliland u aqoonsatay dowlad ka madaxbanaan Somalia inteeda kale, kadib markii ay ku abaalmarisay dhismo cusub oo u noqon doona Xafiiska Somaliland qeybta Diblomasiyadda ee Addis Ababa.

Qoraalka boorka ku dhagan dhismaha ayaa u qoran ”The Republic of SomalilandPermanent Diplomatic Mission Addis Ababa”, (Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiska Diblomasiyadda ee Addis Ababa).

Dowlada Ethiopia ayaa maamulka Somaliland kasoo wareejisay dhismo horay ugu ahaa Xafiis kaa oo aan muuqaal ahaan wanaagsaneyn, waxaana iminka la dajiyay dhismo cusub.

Dowlada Ethiopia ayaa xiriir dhow la leh maamulka Somaliland, waxa uuna xiriirka ceynkaasi suuragalin karaa in khilaaf uu ka dhex abuuro DFS iyo Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa ka weecatay nidaamka Diplumaasiyadeed,waxa ayna muujineysaa inay ku qanacsantahay in Somaliland ay ka go’do Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa maamulka Somaliland ku wareejisay dhismaha cusub ee lag dhisay Xafiis Diplumaasiyadeed kadib markii Ethiopia saami dhan 19% laga siiyay Dekeda Berbera oo lagu wareejiyay Shirkad laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo DP World.

Madaxweynaha DFS Maxamed C/llahi Farmaajo oo dhawaan dib usoo nooleeyay xiriirka Somalia kala dhexeeya Ethiopia ayaan wali ka hadal talaabadaani u muuqata mid ay Ethiopia ku kala qeybineyso Somalia.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement