Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Safiiro loo magacaabi doono Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, UK iyo Turkey (Yaa ka mid ah)

Mogdisho-{Rajonews} Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ku dhawaaqdo Safiiro cusub oo u matalaya dalal dhowr ah oo ay xiriir dhow la leedahay, iyadoo lagu wado in shirka maanta ee Golaha Wasiirada lagu ansixiyo.

Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in la magacaabi doono safiiro dhowr ah, gaar ahaan dalalka saaxibka dhow la ah Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Safiir u magacaabi doonto UK, waxaana lagu wadaa in loo magacaabay C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo ahaa Wasiirkii hore ee Qorsheynta, ahna xilligan madaxa qaban qaabada ee shirka London.

C/raxmaan Ceynte oo ka mid ah la Taliyeyaasha Madaxweynaha ayaa horay lagu waday in loo magacaabo Safiirka Kenya, balse waxaa hada uu qarka u saaran yahay inuu noqdo Safiirka Soomaaliya oo saldhigiisu noqon doono magaalada London.

Sanadkii 2013 ayay aheyd markii u horeysay ee dowladda Soomaaliya Safiir u magacawday UK, muddo 20-sano kaddib, waxaana xilligaas loo magacaabay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo waraaqadaha aqoonsiga ka guddoontay Boqorada Ingiriiska, balse xilka safaarada kuma sii raagin.

Sidoo kale Safiirada lagu wado in la magacaabo waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo lagu wado in loo magacaabo nin magaciisa lagu sheegay Xuseen Qaasim oo ka soo jeeda deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, horayna uga soo shaqeeyay.

Ninkan lagu wado in Safaaradda Kenya loo magacaabo Xuseen Qaasim ayaa la soo shaqeeyay Madaxa Kooxda UN Monitoring Group Matt Bryden.

Waxaa kaloo lagu wadaa in la magacaabo Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, maadaama xilkaas yahay mid banaan, kaddib markii safiirkii hore ee xilkaas hayay uu noqday Xildhibaan, markii dambena loo magacaabay Taliyaha Nabadsugida oo ah C/llaahi Sanbaloolshe.

Dowladda Soomaaliya ayaa magacaabi doonta Safiirka u fadhin doonta Qaramada Midoobey, kaddib markii Safiirkii xilkaas hayay Yuusuf Garaad uu noqday wasiirka Arrimaha Dibadda.

Dhamaan boosaska loo magacaabi doona Safiirada ayaa ah kuwo banaan oo qaarkood xilal Wasiiro helay, sidaas darteedna ay tahay mid lagama maarmaan, waxaana la filayaa in magacaabista lagu saleeyo habka awood qeybsiga

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement