Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Ra’iisul Wasaaraha oo safarkii u horeeyay ee dibadda ah ku tagaya dal Carabeed

Mogdisho-{Rajonews} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda safarkii u horeeyay ee dibadda ah uu ugu ambabaxo dalka Qadar, tan iyo markii xilka loo magacaabay dhamaadkii bishii February ee sanadkan.

Ilo wareedyo ay heleyso Rajonews.net ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha lagu casuumay Madasha Doxa Forum oo ay ka qeyb galayaan hey’ado caalami ah, siyaasiyiin iyo hey’adaha deeq bixiyeyaasha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu Qadar u ambabaxo 13-ka bishan, sida ay xaqiijinayaan ilo ku dhow dhow Madaxtooyada.

Shirkan oo socon doona 14-15 May ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha horumarinta, degenaanshaha iyo qalalaasaha qaxootiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa shirka si rasmi u furi doona, sida ku cad jadwalka shirka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inta uu joogo Qadar inuu la kulmo Madax kala duwan iyo hey’ado caalami ah, isagoo kala hadlaya arrimaha Soomaaliya.

Tagitaanka Qatar ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku soo beegmaya, xilli Film Documentry oo dhowaan la soo bandhigay uu muujinayo in Qadar ay bixin doonto darbiga weyn ee laga dhisayo xuduuda Mexico iyo Mareykanka, iyadoo dhaqaalaha ay ku bixi doonto ka heli doonto shidaalka Soomaaliya.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement