Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Maxaadan Ogeyn oo kusoo kordhay Shirka London ka furmaya & Wafdiga DF

Mogdisho-{Rajonews} Iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay shirka ka furmaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska, loogana hadlaayo arimaha Somaliya, ayaa dowladda Federalka Somaliya waxa ay shirkaasi u dirtay wafdi horu dhac u ah shirka London.

 

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaayay C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Caynte, kaasi oo gaaray Magaalada London, waxaana uu halkaasi u sii tagay sii diyaarinta

qorshooyinka la xiriira shirka London, maadaama uu yahay madaxa qaban qaabada shirka London oo dowladda ay u xil saartay.

Caynte, ayaa sheegay saddexdii bilood ee la soo dhaafay inay wadeen qaban qaabada ku aadan shirka London iyo sidii Somaliya ay halkaasi ula tagi laheyd hal ajande oo dadka Somaliyed ay ku mideysan yihiin.

 

Wuxuu sheegay shirkaan Somaliya inay u tahay fursad weyn oo ku aadan in caalamka ay kala hadasho waxyaabaha Somaliya ay u baahan tahay, isaga oo intaasi raaciyay in Afar Ajande uu ka kooban yahay ahmiyada Shirka London.

 

“Afar Ajande ayaa ugu waaweyn waxyaabaha shirka looga hadli doono, amniga iyo wixii la xiriira laba kobcinta iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka, saddex siyaasada iyo dib u eegista Dastuurka, kan Afaraad waa qaabka iyo anaga Beesha caalamka aan u wada shaqeysan laheyn, afarta sano ee soo socota.” Ayuu yiri C/raxmaan Caynte oo la hadlay SNTV.

 

Madaxda Maamul Goboledyada ee ka qayb galaya shirka London, ayaa qaarkood u sii ambabaxeen dalkaasi, halka kuwa kalena iminka ay isku diyaarinayaan sidii shirkaasi ay uga qayb gali lahaayeen.

 

Shirka London oo Somaliya ahmiyad weyn u leh, ayaa la filayaa inay ka soo baxaan waxyaabo muhiim u ah shacabka Somaliyed iyo dowladda.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement