Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka London iyo Nuxurka Qodobada uu ka hadlay

Mogdisho-{Rajonews} Shirweynaha qaran ee Soomaaliya ayaa ka furmay magaaladda London ee dalka Ingiriiska iyadoo madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha UK ay si wada jir ah ushir gudoomiyeen.

Arimo badan ayuu Madaxwewyne Farmaajo uga hadlay qudbadiisa isagoo ku dheeraaday xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay iyo gargaarka ay ubaahan tahay.

Dhanka La Xisaabtanka

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale balan qaaday In dowladiisa iyo guud ahaan maamul goboleedyada dalka ay ka shaqeyn doonaan sidii loo heli heli lahaa xukun cadaalad ah.

Waxaa uu tilmaamay iney diyaar uyihiin in lagula xisaabtamo shaqada ay uhayaan qaranka Soomaaliya iyo in dadka ay si siman uhelaan xaquuqdooda

Deymaha Soomaaliya waxaan ku baaqeynaa in laga cafiyo

Dhanka kale madaxweynmaha DFS Farmaajo ayaa ku baaqay in waddamada beesha caalamka ay raacaan tusaalaha qaar ka mid ah dalalka Carabta oo ka cafiyay Soomaaliya deymo badan.

Waxaa uu sheegay in dowladiisa ay ku adag tahay iney bixiso dhaqaalaha lagu leyahay, walina ay ubaahan yihiin taageero kale sidaa darted ay dalbanayaan in laga cafiyo dhaqaalaha lagu leeyahay

Farmaajo: Waxaan rabnaa in Soomaaliya laga caawiyo inay xaliso dhibaatadeeda

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirka u sheegay inuu doonayo in beesha caalamka ay kaalin ka qaadato sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen in dhibaatadeeda ay iyadu xaliso

“Waxaan rabnaa in nalaga caawiyo inaan anaga dhibaatadeena xalino, oo aan soo celino kalsoonidii dadka iyo dowladda”.

Hubka hanaloo ogolaado

Madaxwe Farmaajo ayaa dhanka kale sheegay iney dalbanayaan in dib loo fiiriyo cuna qabateyntii dhanka hubka ee saarneyd Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in si looga adkaado AlShabaab ay doonayaan in laga qaado xayiraada ka saaran hubka si AlShabaab looga adkaado

Farmaajo: Ma ahan macluushii dhacday 2011 ay mar kale soo noqoto

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay furtaanka shirka. Madaxweyne Farmajo waxa uu sheegay in markii uu xilka qabtay uu muhiimadda koobaad siiyay sidii wax looga qaban lahaa xalaadda abaarta ee dalka si looga hortago in ay dhacdo xaaladdii sanadkii 2011kii.

Farmaajo ayaa u mahadceliyay hoggaamiyeyaasha caalamka iyo qurbo joogta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka jawaabeen baaqii dowladdiisa ee ahaa in gargaar lala soo gaaro shacabka ay abaartu ku habsatay.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement