Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Gaas:-“Ka Yeeli Mayno Xildhibaanada Ku Shiray Nairobi in Dowlad 3-bilood Jirta La Shideeyo”,

Mogdisho-{Rajonews} Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo xaflad lagu soo dhaweynayay kaga qeyb galay Magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa si kulul ugu hadlay xildhibaanada ka tirsan Labada aqalka Baarlamanka Soomaliya ee ku shiray Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Xildhibaanada labada aqal ee ku shiray magaalada Nairobi ay yihiin kuwa qaswadayaal ah, islamarkaana aysan dumin Karin Dowladda uu Hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

” Sida aad la socotaan waxaa Magaalada Nairobi ku shiray Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya iyo aqalka Sare,waxaan u sheegaynaa ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo,dowladda Cusub waxaa ka go’an in la dhiso Ciidan Qaran oo waajibkii Ciidan Qaran guddan jireen gutta”,ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa kusoo beegmaya xili Magalada Nairobi ee Caasimada Kenya ay ku shireen Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya iyo aqalka Sare waxayna sameysteen Kutlad ay ku sheegeen in ay tahay mid saxaysa qaladaadka Dowladda.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement