Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

FALANQEYN:- 26 Sano Kadib, Yaa Ka Dambeeyay In Somaliland Gooni Isu Taagto?

Mogdisho-{Rajonews} Maanta waxaa 26 sano laga joogaa markii gobollada waqooyi ee Somaliland ay ku dhawaaqeen gooni isu taag, in kasta oo aan weli la aqoonsan hadana dadaalkooda ma yara, waxaa ay geed gaaban iyo mid dheer u fuuleen sidii ay uga go’i lahaayeen Soomaaliya inteeda kale, laakin taasi ma dhicin.

Sababta markii hore keentay in ay sheegtaan gooni isu taag, dood ayaa ka taagan, koox waxaa ay ku doodeysaa waa natiijada dagaal ay dowladda Soomaaliya ku qaaday jabhadda SNM 1988-dii oo dad badan ku dhinteen, koox kale waxaa ay leedahay waa rabitaan qarsoonaa oo horay u jiray ilaa 1960-kii iyo fikrad 3aad oo qabta waxaa ay ka faa’ideysteen burburkii Soomaaliya oo haddii dowladda dhexe jiri laheyd Somaliland ma baxdeen.

Hadaba, Sheekada Go’itaanka Sidee Ku Dhacday:

Shirk ka dhacay Burco 27dii April ilaa 5tii May 19991-sii, waxaa isugu yimid beelo ku abtirsada gobollada waqooyi sida  Ciise, Gedabuursi, Warsengeli iyo Isaaqa, beesha dambe ayaa beelaha kale ka dhaadhiciyay in shir February sanadkaan ka dhacay Hargeisa la isku afgartay in  lala soo noqdo dawladnimadii lixdankii.

Go’aannada shirkaasi lagu gaaray oo 3 ahaa waxaa saxiixay 17 ka mid ah wakiillada beelaha dega gobollada waqooyi raggaas oo mas’uul ka ahaa in gobolladaas gooni u baxaan.

Subaxnimadaa 18-kii May 1991-dii, waxaa go’aanka ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha dhexe ee SNM Ibraahim Meygaag Samatar Iyo  Guddoomiyaha SNM Cabdiraxmaan Cali Tuur iyaga oo sheegay in si rasmi ah uga go’een Jamhuuriyadda Soomaaliya, dibna ula noqdeen xuriyadooda.

26 sano kadib, Madaxbannaani ma heystaan, deegaannada waa kuwoo faqiir ah, beesha caalamka kuma qansana in Somaliland ka dhex-baxdo federaalka Soomaaliya.

Sida dhabta ah, dadka gobolladaasi dega waa kuwoo ku kala qeysan arrinta midnimada, shacabka Soomaaliyeed waa dad isjecel oo dhibaatada ka wada hadli kara, arrintan go’itaanka waxaa horay u waday jabhadda SNM hadana waa kooxdii oo isku badashay hey’ado dastuuri ah oo weli goobta taagan.

Dib U Xusuuso Sida Midnimada U Dhacday:

British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, laakin arintaan waxaa la soo afjaray 26- June, 1960-kii.

Ka hor Xuriyadda Gobolada Waqooyi 26-ka June iyo Xitaa maalmihii ka dambeeyay inta aanay la midoobin Koofurta Soomaaliya waxaa dhacay dhowr arin oo xusid mudan.

6 April 1960, Golaha Tashriica ee Protectorate of Somalia ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

22 April 1960, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee Koofurta, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya.

May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani.

Waxaan Filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney,  1-dii Luulyo labo midowday.

Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii-1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin.

June 26, 1960-kii, Waxaa Xuroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”.

Halgaama Soomaaliyeed ayaa Gabaygaas caanka noqday codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur.

Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen,  leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya.

4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah.

Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqdishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, taas oo dhacday 1-dii July 1960-kii.

Abaarihii Saqdii  dhexe 12:00 Habeenimo iyo haldaqiiqo Calanka laga taagay bartamaha Muqdishu iyadoo mar kale ayaa la qaaday hestii “Kana Siib Kana Saar”

July 1, 1960: waa maalinta Soomaaliya, maalintii xuriyadda iyo midnimada, Waa maalintii ay Soomaaliya ka xurowday gumeystaha Talyaaniga iyo sidoo kale ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur.

March 30, 1960: Waxaa dalka ka dhacay doorashadii ugu horeysay, SYL ayaa ku guuleysatay 69 ka mid kuraasta 123-da ah ee Baarlamaanka.

Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey  Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka

1- Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii

2- Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963

3- Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.

Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo Wareysi  bixiyay 1991-kii kadib gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada ay ku timid Caadifad iyo Qorshe la’aan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,Goobjoog

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement