Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DP World oo maanta si rasmi ah ula wareegeysa Dekeda Berbera

Mogdihso-{Rajonews} Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah ula wareegeysa Dekeda Berbera ee maamulka Somaliland.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Shirkadda DP World iyo Somaliland heshiis lagu wareejinayo Dekeda Berbera ay ku gaareen magaalada Abu Dhabi.

Heshiiskan ayaa dhigaya in muddo 25 sano ay maamusho Dekeda Shirkadda DP World, iyadoo ku sameyn doonta dib u dayactir iyo ballaaran.

Munaasabadda lagu wareejinayo Dekeda ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Berbera, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Mas’uuliyiin ka socota Shirkadda DP World.

Arrimaha ku cusub Heshiiska Dekeda Berbera ayaa ah in saami laga siiyay dowladda Itoobiya, waxaana ay wax ku lahaan doonaan 19%, maadaama Itoobiya ay wax kala soo degto Berbera.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa sheegay in heshiiska ay qeyb ka yihiin Itoobiya, maadaama ay rabaan in shacabka Itoobiya ee boqolka milyan ka faa’ideystaan, isla markaana saami dhan 19% ay ku leedahay.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement