Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DHAGEYSO+SAWIRO:- Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxayo Qaraxii Xooganaa ee Muqdisho ka dhacay

Mogdisho-{Rajonews} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxa Gaari ee ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan ka soo horjeedka Shaneemo Soomaali, halkaasi oo ay ku taallo Maqaaxi lagu magacaabo Italian Coffee.

Gaariga Qarxay ayaa la sheegay in uu marayay wadada waxaana si weyn looga maqlay qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo ay jiraan bur bur xoogan oo soo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 4 Qof, halka  sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sida ay sheegeen Hay’addaha ammanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qof ka badbaaday Qaraxa ayaa sheegay goobta uu Qaraxa dhacayay in halkaasi ay ku sugnaayeen dad aad u fara badan, ayna ku waxyeeloobeen dad badan.

Gaadiidka Gar gaarka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka qaadeen dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay xireen wadada, iyaga oo dadka u diidayay goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Hoos ka Dhageyso Codka, Kana Daawo Sawirada:-

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement