Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DHAGEYSO: War lama filaan oo ku soo kordhay weerar ismiidaamin oo kadhacay Kismaayo+(Qasaaraha)..

Mogdisho-{Rajonews} Qarax khasaare geystay ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee Magaaladaasi.

Qaraxan ayaa ahaa mid Ismiidaamin ah kaasi oo si weyn looga maqlay Agagaarka goobta uu ka dhacay, waxaana uu si gaar ah uga dhacay xerada Koongo ee Magaaladaasi.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Carab ayaa VOA u sheegay Qaraxan in ay ku dhinteen Saddex Qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, halka midka kalena uu ahaa Ismiidaamiyihii Qaraxa fuliyay, kaasi oo xirnaa Jaakad waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray.

Sidoo kale waxa uu sheegay Axmed Carab Qaraxan in uu ku dhaawacmay Askarigii ka hortagay, kaasi oo loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland oo daqiiqado kadib gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement