Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DHAGEYSO:- Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxayo dagaalkii ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Mogdisho-{Rajonews} Weerar khasaare geystay ayaa Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya waxaa uu ku qabsaday Degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada hoose, kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay wadada u galeen.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo lagu magacaabo Cabdi C/laahi Maxamed ayaa sheegay weerarka in uu ahaa mid gaadmo ah, maadaama Ciidamada ay ku mashquulsanayeen Gaari jidka dhexdiisa kaga ciladoobay.

Waxa uu sheegay in ay beeninayaan in Gaari looga gubay Dagaalkaasi, balse waxa uu tilmaamay in weerarkan ay kaga dhaawacmeen Labo Askari oo ka kala tirsan Ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM.

Shabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya, kadib markii ciidanka ay ka carareen Baabuurtii ay wateen.

Xoogaga Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah waxa ay la eegtaan Gaadiidka Ciidamada Kenya ee ku socdaala deganada u dhaxeeya xuduuda labada dal.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement