Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DHAGEYSO:- Cali Abuubakar Axmed oo si KMG ah loogu Magacaabay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka

Mogdisho-{Rajonews} Cali Abuukar Axmed ku xigeenka Koowaad ee Xafiiska Hanti dhowraha Qaranka ayaa maanta Si KMG ah ula wareegay xilka Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ka dib Xaflad lagu qabtay Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada, Wasiirka Wasaarada Cadaalada, Wasiir Ku Xigeeno, Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.

Hanti dhowrihii hore ee Xilka laga qaaday Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka maqnaa Xaflada Xil Wareejinta.

Cali Abuukar Axmed oo si KMG ah u heynaya Xilka Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ayaa gu horeyn ka warbixiyay shaqada Xafiiska Hanti dhowrka Guud iyo Waajibaadka Saaran ee Dastuuriga ah.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay Maanta Fuliyeen soo jeedinta Golaha Wasiirada iyo go’aanka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ee ahaa in xilka Hanti dhowrka Guud lagu wareejiyo Cali Abuukar Axmed.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay Masuulka Cusub in uu shaqadiisa ka soo baxo isla markaana fuliyo howlaha horyaalla.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Xafiiska Hanti dhowraha Guud loogu baahan yahay in howlaha uu u fududeeyo bulshada iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda.

Hoos ka Dhageyso Hadal Jeedinta 3 Masuul ee Xaflada ka hadashay:-

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement