Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DEG DEG :- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo is bedel ku sameeyay Ilaaladii Xarunta Aqalka Hoose

Mogdisho-{Rajonews} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa is bedel amni ku sameeyay xarunta Aqalka dowladda Hoose ee degmada Xamar Weyne, halkaasoo ay ku yaalaan Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Is bedelka amni ee lagu sameeyay xarunta ayaa waxaa ka mid ah in ciidamadii Milateriga ahaa ee horay u ilaalin jiray xarunta lagu bedelay Ciidamo Boolis ah, iyadoo lagu wargeliyay ciidamada inay xeryahooda dib ugu laabtaan.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee Guddoomiyuhu u qaado is bedel xaga amniga, qeybna ka ah is bedelo lagu wado in Guddoomiyuhu ku sameeyo maamulkiisa illaa heer degmo.

Ciidamada Booliska ayaa lagu wareejiyay dhamaan koontarooladii ay ilaalada ka hayeen ciidamadii xirnaa dareyska milateriga.

Ciidamada Milateriga ee ilaalinayay xarunta Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay soo shaqeynayeen illaa xilligii Maamulkii Tarsan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inuu is bedel ku sameeyo Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana xafiiska Xoghayaha Guud ee Gobolka hareeyay dad badan oo xilal doon ah, kuwaasoo CV-gooda u gudbiyay, waxaa laga cabsi qabaa in Guddoomiye Taabid magacaabo Qurbo-joogtii ugu badneyd oo laga dhigo Guddoomiyeyaal degmo, iyadoo habeen hore mar uu ka qeyb galayay kulankii dood wadaag ee ka baxayay Telefishinka Universal uu ammaanay doorka Qurba-joogta ka qaateen dib u dhiska dalka.

Kaaliyeyaal u badan Qurbo joog ayaa xilligan la shaqeeya Guddoomiye Taabid, waxaana arrintan walaac ka muujiyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka ee ku soo waxbartay dalka Sudan oo u arka in Guddoomiyaha ay xilligan ugaga dhow yihiin qurba-joogta iyo saaxibadiisa gaarka ah, kuwaasoo xafiiskiisa aanay ka bixin habeen iyo maalin.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement