Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DAAWO SIR CULUS: Madaxweyne Farmaajo Shalay miyuu saxnaa mise maanta: Itoobiya Ma Saaxiibaa Mise Waa Cadowga Soomaaliya?

Mogdisho-{Rajonews} Siyaasi Walba ayaa olola xoogan ugala siidii uu uheli lahaa taageerada shacabka Soomaaliyeed, laakiin Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa taariikh cusub dhigay kadib markii uu si lama filaan ah unoqday madaxweynaha Soomaaliya.

Sababaha ugu badan ee uu madaxweyne Farmaajo ku helay taageerada ayaa waxaa kamid ahaa inuu yahay aqoonyahan wax badan ka badali kara Soomaaliya, laakiin olalihii uu ku galay doorashada waxaa ay ahaayeen kuwa uu ka been sheegay.

Farmaajo ayaa intii uu xilka madaxweynaha raadinayay horey usheegay inuu ka xun yahay in cadowga Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

“Dalkan waxaa uu leeyahay cadaw taariikhi ah, (Itoobiya) marka miyay  difaacayaan Soomaaliya, taas ma ahan mid run ah ma difaacayaan Soomaaliya, wax shaqo ahna kama gelin Soomaaliya ee waa ay bur burinayaan”ayuu yiri Farmaajo oo ku jiray olalahiisii doorashada.

Laakiin, madaxweynaha ayaa markii la doortay mudo ka dhega adeegay inuu booqasho deg deg ah ku tago magaaladda Adis Ababa, dad badan ayaana rumeysnaa in balanqaadkii Farmaajo uu ka dhabeyn doono.

Hase ahaatee markii uu madaxweyne Farmaajo tagay Adis Ababa ayuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay udhinteen sidii ay Soomaaliya nabad uheli laheed uuna ku faraxsan yahay doorkii ay ka qaaten dhisitaanka dowladda Soomaaliya.

Inkastoo, wax iska caadi ah ay tahay in musharax walba uu galo olole, hadana balanqaayada ay sameeyaan musharaxiinta ayaa ah kuwa indha sarcaadiya umadda Soomaaliyeed.

Eedo lamid ah kuwa madaxweynaha Soomaaliya loo jeedinayo ayaa horey loogu jeediyay madaxdii hore, kuwaas oo ka been sheegay waxyaabihii ay balan qaadeen markii ay olalaha ku jireen taas oo muujineysa in musharax walba uu kaliya raadsanayay kursiga Villa Somalia.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement