Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DAAWO MUUQAAL:- Muran Maamulka Hawada ah oo u Dhexeeya ICAO iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mogdisho-{Rajonews} Dowladda Federaalka ah ee Somalia iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista Hawada ee (ICAO) ayaa waxaa ka dhex aloosan muran ku saabsan soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliyeed.

Doorka ICAO ee aruurinta dakhliga hawada Soomaaliya iyo maamulkeeda ayaa sababay welwel iyo dhibaatooyin badan, sababtoo ah waxaa muuqata daacad darro dhanka ICAO iyo taageero la’aan hay’addu ayna ku taageerayn  sidii Soomaaliya  ay hawadeeda  u maamuli lahayd sida dalalka kale oo madaxa bannaan u maamushaan hawadooda.

Kaddib burburkii dowladdi dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii, ICAO waxay la shaqayn jirtay maamuladii dalka ka jirey iyo dowladihii kumeel gaarka ahaa. Hadda oo uu dalku yeeshay dowlad rasmi ah, ICAO weli waxay muujinaysaa in ayna danaynayn ama diyaar u ahayn in ay Soomaaliya dib ugu soo wareejiso awoodda maamulka hawada dalka.

Warbixinno kale ayaa tilmaamaya in saraakiil sar sare oo ka tirsan ICAO iyo xaafiiskooda Nairobi ay u arkaan maamulka hawada Soomaaliyeed oo ay sida kumeel gaarka ah u hayeen mid joogto ah, eyaga oo aan wax tixgelin ah siineyn dowladda Soomaaliya, iskana dhego tiraya codsiyada dowladda Soomaaliya oo ah in maamulka hawada dalka lagu soo wareejiyo dowladda Soomaaliyeed.

ICAO iyo xaafiiska Nairobi waxay diideen in ay Soomaaliya ka caawiyaan oo xoojiyaan duulista hawada ee Soomaliya. Taas bedelkeeda waxa ay xoojinayaan oo awoodda iskugu gaynayaan xafiiska Nairobi, eyaga oo dhinac maraya  heshiisyadii horay loo gaaray oo ku aaddanaa in Muqdisho laga hirgeliyo xarun duulista hawada oo shaqaynaysa oo laga maamulo hawada Soomaaliya.

Intaas waxaa dheer, intii ay xoojin lahaayeen xarunta Duulista Hawada ee Muqdisho, sida kucad heshiisyada lasoo bandhigay oo u dhexeeya ICAO iyo dowladda Soomaaliya, ficillada ICAO waxay si aan leexad lahayn u muujinayaan in ay kobcinayaan Nairobi, halka ayna Soomaaliya u fidinayn taageero ku aaddan gaaridda hadafyadii lagu heshiiyey. Duulista Hawada ee Muqdisho  lama horumarin lamana kobcin sidii dowladdii dhexe u burburtay sanadkii 1991kii.

Saddex kontaynar oo ay ku jiraan qalab qiimihiisa lagu qiyaasay malaayiin doolar ayaa si ka’ma ah loogu soo diray Muqdisho. Dowladda Soomaaliya waxaa ay diiday in ay wareejiso qalabkaas, maadaama Soomaaliya loogu talo galay ayna ahayd in lagu isticmaalo dalka gidihiisa. Ilo wareedyo aan helnay ayaa noo xaqiijiyey  in qalabkaas ku filan yahay in ay Muqdisho noqoto xarun qalabkeedu u dhan yahay oo ay si hufan ugu maamuli karto hawada dalka.

Saraakiil sare oo ka tirsan ICAO ayaa farriimo laga helay sheegayaan “ICAO waxay codsatay in qalanka CPDLC oo markii hore loogu talo galay in loo diro Nairobi laakiin Muqdishu loo diray… in loo soo celiyo Nairobi.” Hal mar keliya ma ahan laakiin marar badan ayaa saraakiil sar sare oo ka tirsan ICAO codsadeen in qalabkaas la soo celiyo.

Wasiirka dhowaan loo magacaabay Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Maxamed A Salaad, wuxuu aad u danaynayaa in uu qabto waxkasta oo suurtogal ah si loo xoojiyo waaxda duulista hawada. Warqad wasiirki u diray ICAO, wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’antahay  in ay si buuxda ula soo wareegto maamulka hawadeeda, wuxuuna yiri “xaafiiska FISS ee Nairobi wuxuu ahaa xal kumeel gaar ah, wuuna soo shaqeeyey xilligii loo baahnaa”, in maalgelin weyn lagu sameeyo xaafiis ku meelgaar ah waxa ay caqabad ku tahay horumarka waaxda Duulista Hawada Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee, codsiyo badan oo is daba joog ah oo loo jeediyey ICAO in ayna kobcin xaafiiska Nairobi ayaan meel laga soo qaadin. Ilo  wareedyo ka shaqeeya xaafiiska Nairobi oo codsaday in aan magacooda la shaacin ayaa xaqiijiyey in usbuucaan xafiiska Nairobi soo gaareen qalab lagu qiimeeyey boqolaal kun oo doolar si loogu rakibo.

Ugu dambeyn, Ilo wadeedyo kale ayaa u xaqiijiyey in wadatashi ka socdo Muqdishu oo lala leeyahay qareenno caalami ah si loo baaro waddooyinka u furan dowladda Soomaaliya , hadda oo khilaafkii weji kale yeeshay. Laakiin baaritaanka sodca oo ku wajahan hab dhaqanka iyo tixgelin la’aanta qaawan ee ICAO ee ku aaddan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa la filayaa in uu muujiyo dhaqan xumida ICAO oo ay banaanka u soo baxdo. “Soomaaliya waa dal madax bannaan, mana aha wax la aqbali karo in hawadeeda laga xukumo dal deris ah hadda oo ay diyaar u tahay in ay xoojiso awoodda dowladda siiba waaxda duulista hawada”, sidaas waxaa yiri Aqoonyahan Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DAAWO

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement