Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Ciidamada Ethiopia oo weerarkii ugu cuslaa kala kulmay Al-Shabaab

Mogdisho-{Rajonews} Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal fool ka fool ah oo Al-Shabaab iyo Ciidamada Ethiopia ku dhax maray Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday xero ay magaaladaasi ka degan yihiin Ciidamada Ethiopia waxaana dagaalka uu ahaa mid aad u cuslaa.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu socday mudo saacado ah ayna maqlayeen hubka culus ee leys weedaarsanayay, waxaana dagaalka uu ahaa kii ugu xoogan badanaa oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Halgan tan iyo intii Ciidamada Ethiopia gudaha u galeen.

waxaa sidoo kale jira khasaaro badan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyadoona Al-Shabaab markii dambe ay dib uga laabteen Goobihii ay ka soo weerar tageen.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement