Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

AKHRISO+DHAGEYSO:- War murtiyeed laga soo saaray shirkii London

Mogdisho-{Rajonews} Shirkii ka socday magaalada London oo looga hadlayay arrimaha amniga iyo dhaqaalaha ayaa xalay la soo gaba gabeeyay, iyadoo qodobo muhiim u ah Soomaaliya ay ka soo baxeen shirkaasi oo martigelineysay dowladda Ingiriiska.

Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadashay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto masu’uuliyadda ammaankeeda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya.Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay.

Waxay sheegtay in ciidamada AMISOM aysan maareyn karin sugidda amaanka ee Soomaaliya, loona baahanyahay in si deg deg ah loo dhiso ciidammada Soomaaliya oo weliba laga qeyb geliyo kuwa maamulada haatan jira laguna salaynayo qaabka federaalka.

”Heshiiska dhinaca amaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxa lagu salayn doonaa heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaareen dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa” ayay tiri, ra’iisal wasaaraha Britain.

Waxaa sidoo kale kulankan ka qeybgalay madaxda dalalka ku tabarucay howlgalka AMISOM. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in 4000 oo askeri oo dheeraad ah lagu daro ciidammada AMSIOM oo gaaraya hadda 22,000. Waxa uu sheegay in AMISOM aysna ka bixi karin Soomaaliya ilaa iyo inta si buuxda loo dhisamyo ciidammada qaran oo ay Soomaalid leedahay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in inkasta oo Soomaaliya horey loogu qabtay shirar badan, haddana shirkan uu kaga duwan yahay kuwii hore in waqtigan Soomaaliya ay joogto “xaalad aysan marnaba dib u laaban doonin”.

Waxa uu sheegay in dowladdiisa ay ka dhabeyn doonto ladagaalanka saddexda cadow ee Soomaaliya ay leedahay, sida uu yiri, kuwaas oo kala ah, “argagixisada, musuq-maasuqa iyo saboolnimada”.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement