Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

80 qof oo ku dhimatay Badda Mediterranean-ka iyo Warar dheeraad ah oo ka soo baxayo

Mogdisho-{Rajonews} Ugu Yaraan 80 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhimatay badda Mediterranean-ka Sida ay Shaacisay Maanta oo isniin ah Wakaalada Wararka ee ANSA.

Sidoo kale 40 qof ayaa waxaa soo badbaadiyay Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga.

Ilaa hadda xogbadan lagama hayo dalalka ay u kala dhasheen dadka ku dhintay badda Mediterrianka.

Dadkaan oo ka soo raacay dooman yaryar xeebaha dalka Liibiya ayaa la sheegay in mid kamid ah doomankaas oo alwaax ka sameysnayd ay ku degtay Badda.

Mid ka mid ah muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaa u sheegay saraakiisha in ay ahaayeen Labo Doonyood sidoo kalena ilaa iyo hada la la’yahay midi kale ee la socotay.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay sare u kacday tirada Muhaajiriinta ka imaanaya waqooyiga Afrika iyadoo haatan baddu ay tahay mid degan.

Dadkan Tahriibayaasha ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad ka soo jeeda dalalka Itoobiya, Uganda, Soomaaliya, Tanzania, Kenya iyo dalal kale, waxaana la sheegay in ay doonayeen in socdaal sharci daro ah ku galaan dalalka Yurub si ay uhelaan nolol dhaanta mid ay ku heystaan dalalkooda.

Ugu dambeyntii, arintan ayaa waxa ay imaaneysaa xilli tahriibayaal ay ku jiraan soomaaliya oo aanan tiro yareen ay ku dhinteen xeebaha u dhaxeeyo Talyaaniga iyo Liibiya.

 

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement