Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

XOG: Xasan Sheekh oo ku wajahan Tanzania ama Turkiga marka uu xilka wareejiyo

Muqdisho-( Rajonews )-Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa lagu wadaa inuu maanta wareejiyo xilka , waxaana xil wareejinta kadib uu ku wajahan yahay wadamada Tanzania ama Turkiga, sida ay sheegayaan Ilo Wareedyo ku dhow Masuulkan Qaran.

Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu la midoobo Qoysaskiisa oo ku kala nool wadamada Tanzania iyo Turkiga, waxaana uu ku qaadan doonaa 6 Bilood oo Nasasho ah, maadaama uu howlaha qaranka ku daalay mudo Afar Sano ah.

Madixii ugu sarreeyey Xafiiska Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa isagana ku wajahan Maraykanka, halka Ku-xigeenkiisa la sheegay inuu doonayo inuu dib ugu  laabto Hay’adda Barnaamijka Cuntada Adduunka “WFP” oo uu horey uga shaqeynayey in ka badan 10-sanno.

Madixii Hab-maamuuska ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isagana la sheegay inuu dib u degi doono dal ku yaalla Europe.

Madixii Warfaafinta ee Madaxtooyadda ayaa isagana la sheegay inuu ku wajahan yahay dalka Koonfur Afrika.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha Xilka Wareejinayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu 6 bilood kadib ku soo laabto dalka, maadaama uu yahay Xildhibaan tan iyo inta uu nool yahay, sida ku cad Qoddobka 64-aad, farqadiisa 4-aad ee Dastuurka KMG ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaan Madaxweynihii iyo Ra’isul-wasaarayaashii dalka soo maray waxay  intooda badan ku noolaadaan Dibedda marka uu Xilli-hawleedkoodu dhamaado.

Madaxweynihii ugu horreeyey Somalia, Allaha U Naxariistee Aadan C/lle Cusmaan “Aadan Cadde” ayaana ahaa Madaxweynaha keliya ee markii uu xilka ka degay aan marnaba ka dhoofin dalka hooyo.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement