Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

XOG: Kulamo wada tashi ah oo Hoteel Jazeera uga socda Madaxweyne Farmaajo iyo Shriif

Muqdisho-( Rajonews )-Warar hor dhac ah oo soo baxaya saacadihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” uu bilaabay inuu baadi doon u galo Ra’iisul wasaare awood badan oo dhaqaajiya dowladdiisa.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka digtoon in dowladdiisu ay la kulanto xaalad adag oo dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaallaha ayaa bilaabay in xiriiro qarsoon uu sameeyo.

Ilo wareed ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu shalay kulan qarsoodi ah oo albaabada ay u xiran yihiin ay yeesheen isaga iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo la aaminsan yahay in muddooyinkan dambe uu xiriirkoodu soo xoogeysanayay.

Sidoo kale waxaa jira kulan kale oo caawa uga socda Hotelka Jazeera, kaasoo la sheegayo inuu daba socdo kulankii shalay.

Mr Farmaajo ayaa muddo 6 bilood ka ahaa Ra’iisul wasaare dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, taasi oo lala xiriirinayo in kaalin wacan ay ka qaadatay in bulshada Soomaaliyeed ay barato shakhsiyaddiisa iyo wax qabadkiisa.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo u bandhigay Madaxweynihiisii hore inuu kala taliyo cida uu u magacaabayo xilka Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu raadinayo shakhsi si wanaagsan ula shaqeeya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si taxadar leh uga fikiraya cida uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabayo, waxaana maalmahan la gaarsiinayay dalabyo ka imaanaya beelaha Hawiye oo ku loolamaya xilka Wasiirka Koowaad.

Soomaaliya ayaa Xilka Madaxweynaha uu ka dhigan yahay maqaam sharafeed, halkan kan Ra’iisul wasaaraha uu yahay fuliyaha barnaamijyada iyo hiigsiga dowladda.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement