Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

XOG: Gawaari, Hub iyo Agab kale oo lagala baxay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Muqdisho-( Rajonews )-Hanti isugu jirta gawaari, agab kala duwan, iyo hub ayaa la sheegay in lagala baxay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay si xooggan u socotay arrintan.

 

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubno ku dhow Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay ka dambeeyaan hantida lagala baxay Madaxtooyada, kuwaasoo qaarkood ahaa.

Gaadiid ay ka mid yihiin kuwa aanay xabadaha karin, gaadiidka ciidamada iyo hub ayaa la sheegay in lagala baxay Keydka hubka ee Madaxtooyada oo ah Keydka 3aad ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka dhow Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, oo ay ka mid yihiin Xildhibaano, Saraakiil iyo Wasiiro hore ay ku lug leeyihiin arrintan.

Inkastoo aanu Madaxweyne Farmaajo la wareegin Madaxtooyada, hadana waxaa maalmahan socotay hadal heynta la xiriirta arrintan oo u muuqata mid looga faa’ideysanayo kala guurka.

Arrintan ayaa wali wax war ah ka soo saarin Hanti dhowrka guud ee Qaranka, waxaana arrintan walaac ka muujiyay qaar ka mid ah Xildhibaanada.

Xilligii uu wareejinayay Madaxweynihii hore ee KMG ahaa Shariif Sheekh Axmed ayaa la xusuustaa in hub iyo saanad ku xareysnaa bakhaarka ciidamada Madaxtooyada lagala baxay, iyadoo arrintaas dad loo xiray.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement