Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Xasan Sheekh oo kamid noqon kara Xildhibaanada Golaha Shacabka + Qodob Dastuuri ah

Muqdisho-( Rajonews )-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xilka wareejinaya ayaa noqonaya Xildhibaankii u horeeyay ee ka tirsan Golaha Shacabka, inta uu nool yahay.

 

Sida ku cad dastuurka qodobkiisa 64aad farqadiisa 4aad (page 19) oo ogolaanaya in “qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil-ka- qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan.

Waxaa uu dheeraad ku yahay tirada Xildhibaanada golaha shacabka, maadaama uu yahay Madaxweyne lagu soo doortay Dastuur KMG ah, isla markaana soo hoggaamiyay dowlad rasmi ah.

Sidoo kale Madaxweynayaashii isaga ka horeeyay ayaa lagu soo doortay Charter ama Axdi qarameed, iyagoo soo ahaa Madaxweynayaal KMG ahaa.

Xasan Sheekh ayaa sanadkii 2012 loo doortay Madaxweyne rasmi ah oo lagu doortay magaalada Muqdisho, kaddib 12 sanno oo dowlado KMG ah lagu soo dhisayay dalalka deriska.

Halkan hoose ka akhriso qodobka dhigaya in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu noqonayo Xildhibaan Abadiya ah.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement