Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Wajigii Labaad ee Khudbad Jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha oo la soo gaba gabeeyay

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa la soo gaba gabeeyay wajiga Labaad ee dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, oo Doorashadiisa la filayo in ay dhacdo 8-da Febraayo.

Ilaa 7 Musharax ayaa khudbado laga dhageystay, waxaana saakay hore ku dhawaaqay in uu is casilay Eng. C/laahi Cali Xasan oo ahaa Musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

Musharaxiinta khudabadaha jeediyay ayaa waxa ay dhamaantood sheegeen in ay wax ka qabanayaan xaalada hada dalka uu ku jiro, sidoo kalena ay isbedel ku sameynayaan amniga dalka, waxaana Musharaxiinta ay kala yihiin:-

  1. C/naasir Cabdulle Maxamed
  2. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  3. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
  4. C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
  5. C/laahi Ciilmooge Xirsi
  6. C/qaadir Cosoble Cali
  7. Cali Xaaji Warsame

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in berri la soo gaba gabeyn doono dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta, maadaama berri Musharaxiinta ugu dambeysa ay jeedin doonaan khudbadahooda.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement