Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Soomaaliland oo Wariyayaasha iyo Siyaasiyiinta uga digay inay booqdaan Muqdisho

Hargeysa-( Rajonews )-Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland Mudane Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid Cadaani ayaa siyaasiyiinta iyo weriyeyaasha ka soo jeeda Somaliland uga digay iney booqdaan magaalada Muqdisho.

Saxardiid ayaa sheegay inaan loo dulqdaan doonin in siyaasiintu iyo suxufiyiintu iska tagaan muqdisho isla markaana ay ku soo laabtaan magaalada Hargeysa iyagoo gacmaha kula jira waxyaabo lidi ku ah madax banaanida Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay go’aansatay inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale isla maraaana aan laga yeeli doonin cidna ku xadgudubka jiritaanka dowladnimo ee Somaliland.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xili shalay Wariye Cabdi-maalik Coldoon oo arimaha bulshada ka shaqeeya lagu xiray magaalada Hargeysa markii uu ka laabtay magaalada Muqdisho.

Maamulka Somaliland ayaa caadeystay xariga weriyeyaasha, fanaaniinta iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada hoos taga ee ka laabta magaalada Muqdisho, taasoo xad gudub ku ah xoriyada aasaasiga ah ee qofka iyo dimoqraadiyada ay sheegtaan.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement