Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Shariif Xasan ” Madaxweynaha la doortay waa nin hoggaamiye ah, bulshada hoggaaminteeda ku fiican waaye ”

Muqdisho-( Rajonews )-Madaxweynaha Maamulka Koofyr Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dalka uu ka dhacay is bedel hoggaamineed, isagoo soo dhoweeyay Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xilli ay siyaasada isaga hor-yimaadeen sanadkii 2011.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in is bedelka ka dhacay dalka uu noqdo mid ka taliyo Umadda aayaha, nidaam, nabad iyo horumar, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha la doortay inuu ka taliyo Umadda horumarkeeda.

“Madaxweynaha la doortay waa nin aan horay u soo wada shaqeynay, waa nin taariikh leh, hoggaamiye ah, bulshada hoggaaminteedana ku fiican, waa nin geesi ah oo aragti leh”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, isagoo xusay inuu aaminsan yahay inuu yahay nin wax ka qaban kara dalka.

Sidoo kale waxaa uu fariin u diray Beesha Caalamka oo ku aadan inay la shaqeeyaan Madaxweyne cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho arbacadii la soo dhaafay ayaa waxaa Madaxweyne loogu doortay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wareega labaad helay cododkii ugu badnaa, taasoo keentay inuu wareega 3aad tanaasulo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, markii uu arkay aqlabiyada Baarlamaanka halka ay jirto.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement