Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Maqaal: Maxay laba cid keliya ugu tartantaa xilalka sare ee Soomaaliya?

Muqdisho-( Rajonews )-Weydiintaas way soo noqnoqotay waana Daarood iyo Hawiye. Ma filayo inaan warcelin dhammeystiran ka bixin karo, balse waxaan isku dayi doonaa inaan si kooban uga hadlo. Cinwaankaa weydiinta ah waxaa ka dhashay cinwaan kale oo ah: gunnimo faallee. Waa hagaag, aan araarto Soomaali Mahade baan u ahayee.

Subax hore ayay diyaarad naga qaadday Xamar ay caga dhigatay Baydhabo, waa markii iigu horreysayna, gaari baa naga qaaday toos wuxuu noo geeyay madaxtooyada Koonfur Galbeed, waxaa buux dhaafiyay Asharaaf iyo Raxanweyn, madaxtooyadii Xamar waagii uu Ina Caydiid ku jiray baan ku badnaa, waa waagii Isla Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir la sameeyay, dalku guud ahaan gaar ahaan Xamar may caga dhigan balse Madaxtooyada Soomaali oo dhan baa joogta aniga iga reeb oo Xusseen Caydiid baan asxaab ahayn, waxaan ka hadlayaa sida loo dhoobnaa Soomaali, qurux iyo shacni baa ka muuqda iyo nadaafad. Madaxtooyada Baydhabo kolkaan sidaa usoo galnayba waxaan fadhiisannay qol loogu tala galay in lagu shiro saa qolka wasaqda daadsan iyo duqsiga ma malayn kartid, xaashiyaha, caagadaha iwm.

Xoogaa markaan fadhinnay ayay gabadh ii yeedhay, waan u kacay aniga oo is leh waxbay malaa kuu sheegi doontaa oo meel gaar ah oo ay kuula baxdo ayay doon dooneysaa mise qol bay irridkiisa furtoo igu tuurtay, sey igu tidhi fadhiiso, se markaan eegay dhowr qof baa fadhida oo ku quraacanaysa oo quraacda iyo raashinka sidaasaa loola dhuuntaa, anigaba haddii aanan Shariif Xasan isku fiicnayn sida dadkaa kale aan wada fadhinnay looga dhuuntay baa la iiga dhuuman lahaayee. Mid baa soo booday oo igu yidhi maxaan kuu dhiibnaa? Waxaan ku idhi waxba oo gegidda dayuuradaha Xamar ayaa aan saanbuuse kaga soo dhargay anoo xiiso u qaba. Waxaan galay duqsi la dirir, dadka meesha ku jira iyo duqsiga way is barteen oo waa qoys is yeeshay.

Duhurkii ayaa qado na loogu sameeyay isla qolkaa, iga wallee duqsiga wuxuu kaaga horreeyaa hilibka geelka ee balballaaranee sida foosha xun biyaha loo dhex dhigay, waxba afkeyga ma aan galin, waad xishooneysaa ee wax cun bay ku leeyihiin maxaa la cunaa? Tabarta ayaa wali dad badan lagaga soo dhuuntay bannaanka, oo iyagu iska tabar daran, geddigoodna maamulka ka tirsan ama la shaqeeya. Waloow markii danbe sidaan u lahaa halkani waa xero barakaceyaal malaa madaxtooyo ma aha duqsigii laga yar hagaajay.

Kushiinka baan eegay mise candhuuf baa raran oo waa lagu dhex cadeystaaba malaha, duqsigana waa jin jin. Yaan nadaafad la’aanta ku dheeraanee dadkii gaajaa meesha ku dishay, magaaladana qof kasta oo ku arka wax isii uun buu ku dhihi.

Waxaan maalmo ka dib u dhoofeynaa Garoowe, shir baan u tagaynaa, gawaari mid kasta lagu sawiray madaxweyne ayaanu raaceynaa, kaan raaceyno waxaa ku sawiran Shariif Xasan, kuwa kale na waxa ay raacayaan gawaari uu ku sawiran yahay Axmed Madoobe, waa laankaruuserro fara badan, ka horse garoonka wuxu u muuqdaa garoon dawladeed saf saf baa la isku salaamaya, saf saf ba loo socdaa, nidaam ayaa muuqda marka laga reebo Koonfur Galbeed oo wadata dad is daba yaacaya iyo dumar aan maamulka ku jirin oo la iska soo kaxeeyay meel loo wadana ay cidi ogeyn iyo wasiirro kala maseyraya oo is daba haya.

Waxaa nala keenaya hoteello qurux badan, cuntadu bannaankey tuban tahay cid walbaa la baxeysa, oday madaxweynaha ku reer ah oo dadka raashinka ku qash qashayaa ma taagna, lalamana dhuumanayo. Gawaarida cid walbaa halkay dooneyso ayay u qaadatay cidi shidaal uma tiriso haddii xataa waxyaabo shirka ah la isku khilaafay, madaxtooyada sida dunida hormartay ayay u hawl galeysaa, negi, nabad iyo gobobnimo ayaa looga soo laabtay.

Ma wada wanaagsana maamulka loomana wad dhama se gunnimo arki maysid. Isaaq iyo beelaha kalee ay wada degaan way goosteen, waxa aan ka hadleynaana waa Soomaaliya iyaga reeb. Hawiye waa lala cunaa iyagana, walow ay is xijiyeen caasimaddii oo qof ayna hor boodeyn oo Soomaali ah uuna iskii wax uga qabsan karin, wax weyn ba dheh, wax yar yar ma eegaanee oo la doonayo in ay arrintaas isbaddal ka sameeyaan, haddana ma arag waligey Hawiye falfalliir la dhuuntay.

Madaxnimada waxaa ka dhex muuqda cid wax oggol oo gob ah. Dir Koonfureedna waa afar xabboo baqeylnimo darteed uu allah irdihii irsaaqaddaba ka xirtay walow aanan lagu sheegin wasaq iyo gunnimo, haddaan ku arki lahaa wixii aan Baydhabo kusoo arkay sidii ninkii Ciise ayaan is dooxi lahaa.

Qoraaga maqaalka: Sacido Sheekh Axmed

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement