Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Maqaal: Maxay Ka Tageen Musharaxiintii Khudbeeyay

Ugu Horreyn magaceygu waa Bashiir Maxamed (Bashiir Soomaali) waxaan u Dhashay Soomaali, Diinteydu waa Islaam.

 

Waxaan ku Dhashay Caasimadda Galguduud ee Dhuusa mareeb Sanadkii 1988

 

Waxaan ku soo barbaaray Muqdisho oo aan Waxbarashadeyda Qur,aanka iyo Aaaasiga ilaa Dugsi sare ku qaatay,Haddana aan ku Raja weynahay in aan Dhameysto Heerka Jaamacadeed ee 1aad ,ilaa Heer kasii sarreeya. Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u sheegayaa in aan jeclahay in aan Dalka iyo Dadka Soomaaliya wax u qabto, kuna Taamayo in aan madaxweyne Noqdo mustaqbalka Fog haddi alle idmo,  (hadda kuma qanacsani sida wax ku Socdaan mana laga yaabo in aan Xil Dowladeed haba yaraatee Ka qeyb qaato) , Balse Aragtigeyda Siyaasadeed ee Mustaqbalka ayaan Soo gudbinayaa  waxaana ku Saleeyay qodobada.

 

1-in Dalka aan ka Hirgeliyo dib u heshiisiin iyo Qeybsi Awoodeed oo ay u siman yihiin Dhamaan dadweynaha, Awoodda waxaan ula jeedaa Shaqooyinka, Taliyaasha Ciidanka, Safiirada, Wasiirada Guddoomiye goboleedyada,Guddomiye Degmooyinka, Gudoomiye Waaxeedyada,Guddoomiye laameedyada, Tabeelooyinka ,Dhamaan wixii Shaqo Xafiiseed ah,xataa Xamaaliga Garab raratada,Fursadaha Ganacsi Nooc kasta oo ay Yihiin ,waxaana lagu Simi karaa Miisaan lama saari karee,tirana suurtagal ma ahan, Yaa Aqoon u leh Xafiiska ama Shaqada Tartan dhab ayaa loo gelayaa,nin kastow aqoontaadu yey ku Ciilin,

2-in aan heshiis la furo islaamiyiinta ama Alshabaab, heshiiskaas oo laga ambaqaadayo Dalabaadka ay sheegtaan, sidaan ognahay waxay sheegaan in sababta ay u Dagaalamayaan ay tahay in Dhulka Soomaaliya Lagu Xukumo Diinta islaamka Si dhab,taas oo aan cidna diidi karin waajibna nagu wada ah, Qodobka labaad ee aan is leeyahay waa Dalabkooda xiga in Ciidamada Shisheeye ee gumaadka ku haya Bulshada Soomaaliyeed sidoo kalana burburinaya dhaqankeena islaamka iyo Soomaaliyeedba Dalka laga saaro ,iyadoo loo marayo Nidaam , labadaas ayaana Saldhig uga dhigi doonnaa heshiiskaas ,si Soomaaliya nabad Waarta u hesho, maadaama Dalal shisheeye ay iska keen hor keenayaan ,si ay dahanooda u gaaraan.

3-Dastuurka Soomaaliya inuu ahaado Qur,aanka iyo Sunnada Nabigeena NNKH ,wax kasta oo kasoo Horjeedana in la baab,iyo labaas kaliya loo noqdo,leyskuna xukumo laguna xalliyo khilaafaadka ,iyadoo aan laga tageyn Curfiga ama Dhaqanka oo ka mid ah waxyaabaha leysku xukumo karo ,hadeysan khilaafsaneyn Diinta islaamka .

4-in la dhiso Garsoor Cadaalad ah oo lagu soo magacaabo aqoon ,Daacadnimo karti iyo Xalaal Miirad, laguna kormeero howshooda oo Wasaaradda ku shaqada leh ay la xisaabtanto.

5-in lasoo Celiyo Lacagta Shilin Soomaaliga sei Deg Deg ah, iyadoo Dhowr Nooc isugu jirta, 1000, 500, 100, 50, 20, 10, 5, ilaa Kumi iyo Taano, Lagana joojiyo Suuqyada isticmaalka Doolarka oo uu ku ekaado Bankiga Dhexe oo Kaliya iyo Ganacsiyada Dibadda.

 

6-in La Dardar geliyo wax Soo saarka Dalka ,lana Dhiiri geliyo Wax soo saarka Beeraha, Xoolaha, kheyraadka badda, kalluumeysiga iyo macdanta ,lana gaarsiiyo Heer Shidaal baaris, iyadoo heshiisyo sax ah lala galayo Shirkadaha ku shaqada leh howlahaas iyadoo la hubinayo hufnaantooda iyo Khibradda ay u leeyihiin howlaha Shidaalka.

7-in aan ilaha Dhaqaalaha Dalka hormariyo maamulkoodana loo dhiibo dad Soomaaliyeed oo Daacadnimo iyo karto lagu soo xulo uusana shakhsi laheyn go,aanka magacaabista Maareeyaasha Dekedaha iyo Airport yada Soomaaliyeed oo guddi Baarlamaanka loo xil saaro Howshaas ,lana horkeeno baarlamaanka markii la magacaabo si kalsooni ama Kalsooni darro u helaan, iyadoo lagu tartamayo Aqoon.

8-in aan hormariyo Waxbarashada aana cirib tiro Jahliga ,lana furo Dugsiyo Caruurta iyo dadka waaweyn, lana hubiyo tayada jaamaccadaha Dalka oo maanta dukaano aan wax sidaas ah dhaamin, lana adkeeyo Aqbalaadda jaamacadaha Cusub si loo helo wax barasho sare oo Tayo leh.

9-in La dhiso Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Dalalka dibadda, si loola socdo xaaladaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ,dalkii dhibaato u geysta qof Muwaadin ah lagula xisaabtamo, kuwa xabsiyada ku xirana ay u heli lahaayeen Cadaalad ,haddii ay Danbiyo galeen in Dalkooda loo soo wareejiyo, lana baaro Danbiyada ,haddii aysan gelina loo qabto Qareeno difaaca si danbigaas looga diido oo ay Xorriyadooda ku helaan.

10–in Gobolada Woqooyi ama Somaliland aan la furno Wada hadal dhab ,ka dib markii la xasiliyo qeybaha kale ee Soomaaliya, lana sameeyo Nidaam fadhiya iyo Amni, ka dibna lagu Camal falo wixii kasoo baxa wada hadaladaas anigoo huba in Somaliland aysan ka hor imaaneyn ku soo noqoshada Soomaaliya oo Nidaam iyo kala Danbeyn tooda la mid ah ama ka sareyso ay ka jirto .

 

FG.Haddii Qof kale ku Soomaali Muslim ah ku Shaqeeyo intaanan isi Soo taagin Barnaamijkeygan waan u tanaasulayaa hadduu Daacad u noqdo Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed , Insha Allah

 

W/Q.

Bashiir Maxamed (Bashiir Soomaali)

Mr.bashiir088@gmail.com

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement