Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Maqaal: Dowladda Federaalka Soomalia maxay uga hadli la’dahay saldhiga dawlada Imaaraadka laga siiyay magaalada Berbera

Muqdisho-( Rajonews )-Madaxweynaha Mohamed Farmaajo iyo madaxweyne Xasan Shiikhow, maxaa diiday inaad ka hadashaan saldhiga dawlada Imaaraadka laga siiyay magaalada Berbera, waxa naloo sheegay in imaaraadka ay aqoonsantahay dawladda federaalka ah, haddana ay heshiis noocaas oo kale la gasho Somaliland sey isku qaban kartaa, waxaa kale oo iga yaabiyay oo heshiiska ku jira, in dawladda Imaaraadka ay aqoonsaneyso baasaboorka Somaliland kuna dhiibi doonto dal ku gal iyo degenaanshaba……..!

Mudanayaal, arrinkaas sow maaha in dawladda Imaaraadka qatar gelineyso wadajirka iyo jiritaanka Soomaaliya, waxaan wada ogsoonahay hadda kahor in safiirkoodi qabanqaabiyay shir loogu qabtay madaxda dawlad goboleedyadda magaala madaxda imaaraadka ee Abu-Dhabi, iyadoo dawladda federaalka ah aan laga talo gelin, mardambana uu madaxweynaha cudurdaar uga dhigay iney wanaag wadeen, cid kastana ay ka dheregsaneyd xaqiiqda jirta, ma ilowsanin dhacdadi ka dhacday ex-Dekeddi hor, intaas oo dhana aan laga qaadin talaabadi ay mudneyd, taasaa maanta horseeday heshiiska sharcidarrida ee lawada galay!

Waxaan hubaa in Soomaaliya, hungri kaashaday hogaan xumo u horseeday xaaladan aadka qatarta ugu ah qaranimada Soomaaliya!

Mudanayaal, Weli waxaan rajo ka qabaa in wax la hagaajin karo!

SOOMAALIYA ILAAH HA BADBADSHO!

Fiiro Gaar Ah!

Waxaan labada madaxweyne u soo qaatay ineysan weli dhicin xilwareejin, dawladina ay weli shaqeyneyso si ku meel gaar ah!
Waa heshiis laba dawladood iney galaan ay aheyd laakin dawlad iyo maamul ilaa hadda sharciyan hoos taga dawladda fedraalka ah……!

Qormadii Elmi Guleed

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement