Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Madaxyada dad la gowracay oo saaka la soo dhigay deegaano u dhow Qandala

Qandala-( Rajonews )-Madaxdayada saddex ruux oo ay gowraceen kooxda Daacish ayaa saaka waaberigii lagu arkay tuulada Karin oo qiyaastii 50-km u jirta degmada Qandala ee gobolka Bari.

Goob joogayaal ku sugan tuulada karin ayaa sheegaya in madaxdayada dadkan la gowracay la soo raaciyey waraaq yar oo ay ku qornaayeen magacyadooda.

Dadkan la gowracay ayaa la aaminsan yahay iney ka tirsanaayeen shan qof oo dhowaan dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish ka qafaaasheen meel ku dhow degmada Qandalla iyagoo kala degay gaari ay la socdeen.

Shanta la qof ee la qafaashay ayaa qaar ka mid ah waxaa la sheegay iney ka tirsanayeen ciidamada maamul goboleedka Puntland, waxaana kooxda Daacish ee uu hogaamiyo Shiikh C/qaadir Muumin weli gacantooda ku jira labo la heyste oo aan la ogeyn halka xaalkoodu ku dambeyn doono.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Puntland ay dagaal kaga saareen degmada Qandala kooxda Daacish oo halkaas gacanta ku haysey muddo bil ka badan, iyadoo kooxdan ay markii dambe galeen buuraley ku dhow degmadaas.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement