Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta qaabilay Wafdi ka socday dalka Masar + SAWIRO

Muqdisho-( Rajonews )-Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Maxame C/laahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa KMG ah ee Hoteel Jazeera ku qaabilay wafdi ka socday Dowlada Masar.

Wefdiga uu qaabilay madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa hoggaaminayey Ergay gaar ah oo uu soo wakiishay madaxweynaha dalka Maser Cabdul-fataax Al-Siisii,  madaxweyne Farmaajo, ayaa guddoomay dhambaalka looga siday madaxweynaha Maser, isla markaana uga mahadceliyey.

Kulanka uu madaxweynaha la qaatay wafdiga ka socday Dowlada Masar waxaa ka qeyb galay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya , wasiirka kuxigeenka arimaha dibada iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa ka hadlay kulankii dhexmaray Madaxweynaha iyo wafdigii ka socday Dowlada Masar, isagoo xusay inay ka wada hadleen arimo la xiriira iskaashiga amaanka, dhaqaalaha iyo Taageerada ay dowlada Masar siiso dowlada SOomaaliya.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaabilay Wafdi ka socday Dowlada Jarmalka, kuwaasoo dhamaan Hambalyo ah ka siday Ra’isul wasaaraha dalka Jarmalka Angel Marke, waxaana madaxweynaha uu uga mahadceliyay Dowlada Jarmalka taageerada ay siiso ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo waliba horumarinta mashaariicda bani’aadanimo.

1

2

3

 

4

5

unnamed

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement