Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Madaxweyne Farmaajo oo Casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii la Tartantay + SAWIRO

Muqdisho-( Rajonews )-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa caawa Hotelka Jaziira waxa uu casho sharaf ugu sameeyay Musharaxiintii uu kaga guuleestay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Casho sharafta waxaa kasoo qeyb galay inta badan Musharaxiintii Farmaajo kula tartantay kursiga Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna Musharaxiintan u badnaayeen kuwii isku baheestay in isbadal lagu sameeyo Hogaanka dalka.

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cumar C/Rashiid ayaan kamid aheed Musharaxiintii caawa kasoo qeyb gashay Casha sharafta uu sameeyhay Madaxweynaha Guuleestay ee Maxamed Farmaajo.

Musharaxiintii caawa a kulantay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kawada hadleen guushii ay ka gaareen in isbadal lagu sameeyo Hogaanka uuna midkood kusoo baxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku helnay Musharaxiinta qaarkood ayaa Madaxweynaha cusub xasuusiyay balantii ay wada galeen intii olalaha socday, waxa ayna qaarkood codsadeen in lagu soo daro Xukuumada cusub uu soo dhisi doono Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Musharaxiinta uu la kulmay taageeradii aan la ilaawi karin ee siiyeen, waxa uuna sheegay in mar walbo uu u baahan yahay taladooda iyo taageeradooda uuna soo dhaweyn doono.

Musharaxiinta Madaxweyne ayaa iski baheestay in ay xilka ka tuuraan Madaxweyne Xasan Sheekh ayna codkooda ugu dambeyn wada siiyaan Musharaxa ugu codadka badnaaada una soo baxa wareega ugu dameeya taa oo ay ka dhabeeyeen Musharaxinta sida muuqata.


Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement