Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Madaxweeynaha Turkiga oo u hambalyeeyay Madaxweeynaha cusub ee Soomaaliya

Ankara-( Rajonews )-Madaxweeynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hambalyo u diray madaxweeynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo, kaa oo shalay lagu doortay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, Mmadaxweeyne Erdogan ayaa qadka Teleefonka uga hambalyeeyay Madaxweeyne Farmaajo, waxyar kadib markii la doortay.

Erdogan ayaa Madaxweeynaha cusub ee Soomaaliya u sheegay in uu heeyso fursad uu dalka Soomaaliya ugu soo celin karo nabad iyo kala danbeyn, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow madaxweeynaha Turkiga.

“Madaxweeyne Erdogan wuxuu qadka Teleefonka ugu hambalyeeyay dhiggiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxyar kadib markii ay soo dhamaatay doorasho qaadatay ku dhawaad shan saacadood maalintii Arbacada, taa oo ka dhacday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho,” sidaa waxaa yiri masuul ka tirsan madaxtooyada Turkiga oo warbaahinta la hadlay isagoo magaciisa u qariyay sababo la xiriira in uusan fasax u qabin in uu warbaahinta la hadlo.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, ayadoo dalka ay ka socdaan mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada oo ay ka hirgelisay dowladda Turkiga.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement