Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Maamulk Jubaland oo go’aan adag ka qaatay Gawaarida isticmaala Muraayadaha Madow

Kismaayo-( Rajonews )-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta oo Khamiis ah Shir Gudoomiyay Kulanka Todobaad’laha ah ee Golaha Xukuumada Jubbaland.

Ajandayaasha Shirka Wasiirada oo kala duwan ayaa Madasha laga Akhriyay iyadoo mid mid loo guda galay si gaar ah waxay Golahu si aad ah uga hadleen Xaaladaha ka dhashay Abaaraha ba’an ee ka jira qaybo badan oo ka mid ah deganada Jubbaland.

Ugu horayn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Golaha uga xog waramay halka ay marayso Siyaasada Dalka iyo isbadalkii ku yimid hoggaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya isagoo xusay in uu rajaynayo in wax badan oo wanaag ah ay samayso Dowladda Cusub ayna ka faa”iidaysato rabitaanka dadweynaha.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay tahay cida laga sugayo in ay dalkooda ka dhigaan mid leh nabgalyo iyo Cadaalad oo Dowladda kaliyah ayna waxba qaban Karin shacabka la’aantii.

Arrimaha ammaanka ayuu Madaxweynahu xusay in Hay’adaha ammaanku ay si aad ah u hawlgalaan taas oo sababtay in Nabadgalyada Magaalooyinka xorta ah ee Jubbaland ay noqdeen mid buuxda oo la isku halayn karo.

Arrimaha Abaaraha ayay Golaha Xukuumadu isla soo qaadeen halka ay marayaan ilaa hada gurmadka loo sameeyay dadka dhibaataysan iyadoo kulanka lagu soo gudbiyay in guddiga Abaaraha Jubbaland lagu wareejiyay lacag ka timid gudiga Abaaraha heer qaran taas oo dadka loogu gurmanayo.

Dhinaca kale Golahu waxay meel mariyeen in aan Magaalooyinka Jubbaland ay maamusho aan lagu wadan Karin baabuurta bacaha madow leh si ayna uga dhalan khataro dhinaca amaanka ah.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement