Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Khasaaro ka dhashay Madaafiic lagu garaacay Magaalada Muqdisho + SAWIRO

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro Hoobiyeyaal ah oo duhurnimadii maanta ku soo dhacay agagaarka xaafada 15-ka May ee Degmada Warta-nabadda.

Dadka reer Muqdisho ayaa tirada Madaafiicdan waxa ay ku sheegeen ilaa 4 xabo, waxaana ay ku kala dhaceen xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah Madaafiicdan oo ku soo dhacay Degmada Warta-nabadda ayaa waxaa ku dhimatay 3 Qof oo labo ka mid ah ay yihiin caruur, halka 4 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu inoo sheegay Qof ka mid ah Ehelada dadka ku waxyeeloobay Madaafiicdan.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa waxa ay inoo sheegeen in Madaafiicdan ay ku dhaceen xaafado ay ku badan yihiin dad rayid ah, iminkana ay socdaan baaritaano dheeraad ah.

Barkhanimadii maanta ayaa waxaa Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya oo ku taalla Degmada Warta-nabadda xilka lagu wareejiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in bartilmaameedka uu ahaa halkaasi.

 

1w2w

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement