Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Halgankii Xasan Geedi Abtoow W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

Muqdisho-( Rajonews )-Nabad-doon:Xassan Geedi Abtoow Aybakar Cali Adan, oo si aad ah looga yaqaan gobalka ex-Banaadir iyo goballa kale oo badan. Wuxuu ahaana Nabbadoon guud ee Mogadishu iyo deegaanada u dhaw. Nabadoon Xasan Geedi waxa uu ku dhashay Bashaqle ( 1859-1926), Hooyadiina waxaa la yiraa: Xaliimo Cadow Xayle. Waxa uu ka mid ahaa nabaddoonadii gumeysiga si toos ah uga hor yimid diidayna fekrada badan oo ay wateen, ayada oo dadka qaar ay ku dagaallameen Hub, Suugaan, dhaqaale, feker diineed ayaa Nabaddoon Xasan waxa uu ku dagaallamay Garaad iyo Maskax si caqliyeysan. Waxa uu ahaa nin Ilaaliya dhaqanka soomaalida,waxa uu xiran jiray dharkii ahaa labada go’ ee dadka deegaanka dhaqanka u aheyd.

 

Odayaal Soomaaliyeed oo xiran dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed labadii go’ midna guntan midna ku jeeni qaaran.

Saddaxda wiIl ee uu dhalay Suldaan Cusmaan oo ka mid ahaa reer Immaamkii magaalada xakumi jiray.

Berrigii Sayid Barqash uu sheeganayay in uu xakumo Xamar iyo nawaaxiga u dhaw ayuu Xassan Geedi ku soo rogay Sayid barqash laftiisu in uu bixiyo cashuur,waana tan keentay in Barqash uu dagaal la’aan Talyaaniga isaga wareejiyay markii ay u celiyeen 199.000 DN oo aheyd cashuurtii barqash ka bixiday,waxa uuna Talyaaniga ku wareejiyay 13.Oktobar 1893.

 

 

 

 

 

Barqash waxa uu ahaa nin Cumani ahaa oo xakumayay xeebaha Afrikada barri,zinzibaarna xarun u aheyd, gurina ku lahaa Mogadishu kaas oo markii dambe laga dhigay Museum, lagu keydiyo taariikhda Soomaalida)

(Barqash waxa uu ahaa nin Cumani ahaa oo xakumayay xeebaha Afrikada barri,zinzibaarna xarun u aheyd, gurina ku lahaa Mogadishu kaas oo markii dambe laga dhigay Museum, lagu keydiyo taariikhda Soomaalida) 

Gurigii Saciid Barqash ee markii dambe noqday Maxfal iyo Mesuem lagu kaydiyo Sooyaalka iyo Taariikhda Soomaalida

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waa badanyihiin dhacdooyinka taariikhiga ahaa ee dhaxmarey Nabadddon Xasan Geedi iyo Talyaaniga Haddiise aan qayb yar ka soo qaadano. Talyaaniga ayaa ku yiri: Berri u yeer dhallinyarada deegaanka waxaan siinayaa lacag iyo hadiyado si ay u ogaadaan hodonnimada dowladeeyda Talyaaniga. Xasan geedi 400 dhalliyaro ah ayuu wabiga dhinaciisa keenay,markii Talyaanigii wixii uu hayay u qeeybiyay oo ay ka dhammaadeen ,ayuu xassan u yeeray 400 oo kale oo wabiga dhinaciisa kale uu ku qariyay.Talyaanigii ayaa ku yiri: waa iga dhammaatay intan ka badan wax ma bixin karo. Xasan ayaa yiri: 400 ee hore i tusiya lacagta uu gaalku idin siiyay,intii oo kale ayuu isna siiyay 400 ee dhineed, wuxuuna ku yiri: “Ogow Talyaaniyoow Xasan geedi kaama xoola yaro.”

Wuxuu ku yiri :hadalkiisii caanka ahaa: Dadkeeyga wax ma deeqsii kartid,mana maamuli kartid ee aniga iiga dambeey”.

Wixii maalintaa ka dambeeyay waxaa la yiri: Adigu dadkaaga maamul Xasan waxa kale oo uu diiday in dadkiisu Canshuurta u ururiyaan talyaaniga, waxa uu yiri adinku ka urursada cashuurta islaamaha suuqa yaanyada ku gadayo, si uu dadka u tuso talyaanigii oo cashuur ururinayo oo gacanta u taagayo dadka suuqa wax ku iibinayo, asaga oo dadkii ku yiri: Fiiriya Talyaanigii maantana suuqa ayuu ka tuugsanayaa.

Mar kale ayaa talyaanigu u yeeray Nabaddoon Xasan in uu yimaado xafiiska Governatooraha Talyaaniga,Talyaaniga oo u careeysnaa falal uu ku kacay Xasan, Xasan waa yimid ,laakin irida laga soo bilaabo ilaa gudaha xafiiska wixii yiil ayuu soo dardaray oo jajabiyay,Gaalkii ayaa carooday oo ku yiri: hantida Talyaaniga maxaad u burburisay, wuxuu yiri: Adoo dowlad weeyn sheeganaya miyaad intan ka carootay anigaa kuu soo gadaya.

Talyaaniga ayaa mushaar u qoray odayaasha deegaanka. Kaddib Xasan ayaa waxa ay isqabteen Talyaanigii ,ayaga oo ku xumeeynaya ayeey ku yiraahdeen Anaga oo 4 sanno mushaar ku siineeynay, miyaad amarkeena diidee?. Xasan wuxuu ku yiri : Berri aan isku nimaado, maalintii xigtay ayaa waxaa yimid Xasan oo dhiil wata dadkiina soo shiriyay wuxuuna ku yiri: Talyaaniyoow haddaad aragto ma taqaan Lacagtii mushaarka aheyd ee aad i siin jirtay,wuxuu ganuunka ka qaaday dhiishii waxa uuna ka soo daadiyay mushaarkii Afarta sano la siinayay ee uu dhiisha ku ururiyay, wuxuuna ku yiri: Xasan iyo dadkiisa mushaar laguma xakumo.

Dhacdooyinkii Xasan Geedi iyo talyaaniga laguma soo koobi karo,qoraalkan waxa ay u baahantahay Buugaag in laga qoro. Sida sheekadii uu ku xujeeyay ee bixinta Gabadha iyo Tirakoobka dadkiisa.

Talyaaniga oo u yaqiin Nabaddoon Xasan Geedi “ Gaandigii Banaadir” ayaa yiri: Nabadoon Xassan Geedi waxa uu Toddoba (7) sanno oo xirrir ah nagu hayay dagaal aan hubeeysneey asago oo hor istaagay in ka badan 12 sharci oo Dowladda Talyaanigu soo saartay diidayna in ay hirgalaan.

 

Dowladdii kacaanku waxa ay ku magacaawday Nabaddoon Xasan Geedi waddada isku xirta,laga soo bilaabo Ex- Posto, kawaanka malaayga Isbitaalka martini illa dekeda cusub.

FG: Qoraalkan.waad naqdin kartaa,wax waad ku dari kartaa waxna ka badali kartaa.

Qore: Yahya Amir.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement