Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Farmaajo oo laga yaabo inuu xilalka ka qaado Jumcaale iyo General Xaamud

Muqdisho-( Rajonews )-Kaddib bilooyin oo olole adag iyo halgan loogu jiray xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa dad badan oo isugu jira Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan iyo shaqsiyaad kaleba ay qeyb ka ahaayeen ololihii doorashada ee soo gaba gaboobay, kuwaasoo dhinacyo kala duwan taageerayay.

 

Guuldaradii Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashadii Madaxweynaha, ayaa waxay lama filaan iyo waji gabax ku noqotay Mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal haya, oo u dhar-dhigtay, sida inuu soo laabanayo oo kale, isla markaana taageeradooda aanay la gamban.

Mas’uuliyiintii u horeeyay ee meel fagaare ah ka muujiya taageeradooda ayaa waxay ahaayeen Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo aan marnaba qarsan taageerada ay u hayeen Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Xaamud ayaa munaasabadii maalinta ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku dhawaaqay in cododka Saraakiisha ciidanka ee ka mid noqday Baarlamaanka ay yihiin kuwo uu heysto Madaxweyne Xasan Sheekh, sidaas darteed uu heli doono cododkaas oo uu ku tashanayo.

“Mudane Madaxweyne, Baarlamaanka labadiisa aqal saddex sarkaal oo booliska ayaa ku jira, oo labo taliye ah, waxaa ku tashaneysa cododka Sareeya Gaas Cabdi Qebdiid, waa ku tashaneysa codka Booliska waaye, waxaa ku tashaneysa Sareeye Gaas Shariif Sheekhuna Maye, Maxamed Ibraahim cabdi Diyeeshe codkaas waa ku tashaneysa”ayuu yiri Jen, Xaamud oo ka hadlayay Munaasabadii Ciidamada Booliska ee 21-kii December.

Dad kala duwan ayaa siyaabo kala duwan ugu fal celiyay hadalka Taliyaha, iyagoo ku tilmaamay inuu ku xadgudbay waajibaadka loo igmaday, isla markaana sameeyay taageerada musharax gaar oo ahaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkastoo riyadiisa ay aheyd in mar kale soo laabto Xasan Sheekh, si uu xilka u sii haayo, hase ahaatee waxaa uu isku toogtay afkiisa, waxaana la filayaa in hadalkiisa ay sababto xil qaadis, sida dad badan ay hadal hayaan.

Sida sharciga qabo laamaha ammaanka ayaan u fasaxneyn inay qeyb ka noqdaan ololaha siyaasada, iyadoo shaqadooda kaliya tahay mid amni.

Sidoo kale arrinta hadal heynta ee muuqata ayaa ah taageeradii hagar la’aaneed ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u muujiyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, xilligii uu ololaha socday, waxaana si toos ah uga qeyb qaatay ololaha kuraas Xildhibaan oo doorashadiisa ka dhacday magaalada Jowhar.

Guddoomiye Madaale ayaa taageerayay Musharaxiin u tartamayay kuraasta Aqalka Hoose, inkastoo ay ku guuldareysteen inay ku soo baxaan, waxaase taa cagsigeeda soo baxay kuwii uu ka soo hor-jeeday oo u badan kuwa ay isku heyb ka soo jeedaan.

Hadalada laga diiwaan geliyay Guddoomiye Madaale intii uu socday Ololaha doorashada ayaa ahaa in hadii uu ahaan Xildhibaan uu codkiisa siin lahaa Xasan Sheekh Maxamuud,  si mar kale dib loo doorto.

Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho ayaa hada ka mid ah xilalka ololaha loogu jiro, oo dad badan ay xusul duubayaan, marka Madaxweynuhu xilka la wareego, waxaase la ogeyn inta Guddoomiye Madaale ku soo fadhin doono kursigan.

Dad badan oo xilal doon ah ayaa buux dhaafiyay Hotelka Jazeera oo si KMG u degan yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaa ay galaan gal xooggan ugu jiraan sidii ay xilal u heli lahaayeen.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay la imaan doonto hoggaan cusub, si bedelka uga dhaqan galo Caasimadda Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement