Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Doorashada Madaxweynaha oo saacadaha soo socda ka dhaceysa Muqdisho

Muqdisho-( Rajonews )-Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdi saacadaha soo socda, iyadoo gelinka hore ee saaka lagu wado in loo dareero hoolka ay ka dhaceyso doorashada oo ku yaalla Xarunta Afisyooni oo ahaa Saldhigii ciidamada cirka Soomaaliyeed oo ku dhegan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Illaa 22 Musharax ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha, waxaana suuqa soo galay warar sheegaya inay macquul tahay inay is casilaan Musharaxiin qaar.

Doorashadan ayaa ah mid ka adag tii sanadkii 2012, waxaa la saadaalinayaa inay gaarto illaa wareega 3aad, saacadihii u dambeeyay ayaa Musharaxiinta qaar waxay wadeen ololihii u dambeeyay, oo ay ku kasbanayeen Xildhibaanada.

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa soo saaray awaamiir ku aadan doorashada, iyadoo hoolka doorashada aan lala geli doonin Taleefanada gacanta, qallimaan iyo agabyada kale.

Illaa 329 Xildhibaan ayaa qorshuhu yahay inay u codeeyaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, waxaa doorashada lagu kala bixi doonaa wareega 1aad cidii hesha 3-meel labo meel oo ah 219 Xildhibaan, taasoo ay adag tahay Musharax xaqiijiya cododkaas, si uu ugu guuleysto doorashada.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waddooyinka ayaa la sii xiray maalin ka hor, dadka ayaa u dhega taagayay doorashada Madaxweynaha.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement