Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DHAGEYSO: Banaanbax lagu Taageerayo go’aankii ka soo baxay Maxkamada ICJ

Muqdisho-( Rajonews )-Banaanbax lagu taageerayay guushii Soomaaliya ayka  gaartay muranka Dacwadda Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Daljirka Daahsoon, kadib markii Maxkamadda ICJ oo fadhigeeda uu yahay Magaalada Hague ee Dalka ay ogolaatay in ay qaado Dacwadda Badda.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, Ururka  Haweenka, Kooxda fanka ee Heegan iyo Dadweyne la kala keenay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay Banaanbaxan.

Shacabkii ka qeyb galay Banaanbaxan ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin Dad Soomaaliyeed oo isku duuban, lehna Dowlad awood leh, iyagoo sidoo kale sheegay berri samaadkii Dowladda Kenya in ay hoos imaan jirtay Soomaaliya, balse maanta ay isku dayayso in ay dhacdo Badda, maadaama Soomaaliya ay kala daadatay.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ugu dambeyntii hadalka soo xiray ayaa sheegay Gobolka Banaadir oo wakiil ka ah Gobolada kale ee Dalka in shacabkiisa ay maanta isugu soo baxeen farxadda ay ku muujinayaan guusha Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay muranka Dacwadeed ee kala dhaxeeya Kenya.

Waxa uu sheegay rajada ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed in ay tahay mid wanaagsan, oo leh horu u socosho iyo niyad sami, maadaama Soomaalida meel walba oo ay joogaan ay ka hadleen arrintan.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement